Söderhamn

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Söderhamn waa meel dabeecad wanaagsan leh, qanina ku ah dhaqan nool iyo marti qadiraya. Faras mgaaladeeda waxaa ku yaala dukaamo badan,maqaayado. Magaalada waxey leedahay baarkino badan, waxeyna u dhowdahay badda, keynta, iyo baadiyaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

25706

Cabirla dhulka

2285 kiilomitir oo laba jibaaran

Söderhamn waxey leedahay xiriir gaadiid oo fiican iyo waxbarasho kala duwan. Ku soo dhowaaw degmadeena.

Deegaan

Degmada waxaa ka jira shirkad guryo halkaasoo aad ka raadsan karto guryo kiro ah, kuwa aad qeyb aahn iibsan karo, qaabab kale oo degaan ah. Bogga degmada waxad ka akhrin kartaa wixii faahfaahin oo ku saabsan guryaha banaan, iyo shirkadaha ka shaqeeya.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badanoo lagu metelo. Kuwa ugu waaweyn marka lagu daro iswiidhiska waa soomaaliga, tigriinya, carabiga, daari iyo faarisiga. Caruurta iyo dhalinyarada heysta luqad kale oo hooyo aan ahyn iswidhishka waxey heli karaan baridda luqada hooyo.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ka jira urur badan oo howlo kala duwan qabta. Tusaale ahaan ciyaaraha, ururada dhaqanka, kaniisada iyo ururo kala duwan. Bogga degmada waxaad ka raadin kartaa diwaangelinta ururada ee ururka ku habbon waxa aad xiiseyneyso.

Rag ka soo kala jeeda qawmiyado kala duwan oo kubada cagta ku tababaranaya ilayska qoraxda quruxda badan.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxey heysataa waxa ugu badan aad ka fekeri karto. Halkaan waxaa ka heli kartaa maktabad, dukaamo cunto iyo adeegyo kala duwan iyo duklaamo. Halkaan waxaa ka jira xitaa xafiiska shaqada, adeega bulshada,sanduuqa ceymiska iyo xafiiska canshuuraha waan la heli karaa.

Dad badan oo ah da’yo kala duwan oo jooga jid ku yaala Söderhamn. Dukaamo kala duwan oo ku hareersan jidka.

Waxaa jiraa kalo garoomo ciyaaro, iyo tiro kala duwan oo ah howlaha fasaxa - oyo dhaqanka.

Qofka aan heysan qalab uu asaga leeyahay waxa uu deeysan karaa qalabka ciyaaraha oo gacan labaad ah Sportoteket halkaasoo laga adeegan karo dharka raqiista ah waqti kooban.

Waxaa jira xitaa dhowr dukaamo gacan labaad ah halkaaso laga iibsan karo dhar raqiis ah, iyo agabka guryaha.

Bogga degmada waxaad ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan waxa ka jira iyo howlaha ka dhacaya.

Söderhamn waxay leedahay waayo-aragnimo ballaaran oo la xidhiidha soo-galootiga cusub ee soo gala degmadan waxay samaysay bog internet gaar ah oo loogu talagalay dadka ku cusub Söderhamn.

Fadlan naga soo booqo www.informationsoderhamn.se/so

Dalyeelka carruurta

Degmada waxey heysataa howl waxbarasho sida xanaano iyo guriga maalinta ee qoyska ee kuwa u dhaxeeya 1-5 sano. Degamada waxey leedahay isku dar tiro 20 gaareysa oo xanaano ah laguna maamula labadaba degmada iyo kuwa gaar loo leeyahay. Idinka carruurta aysan u aadin wax xanaano ah waxaad aadi kartaan Xanaanada furan oo ka mid ah qeyb Xarrunta qoyska.

Saddex caruur ah da’da dugsiga xanaanada oo fadhida miis oo ciyaaraya.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxey bixisaa iskuulka aasaasiga ee ardayda ilaa sanad dugsiyeedka 9. Bogga degmada waxaad ka heleysaa warbixin badan oo ku saabsan iskuulka aasaasiga iyo xitaa fursadaha waxbarashada dugsiga sare.

Iskuulka dhaqanka waa mid madaxbanaan, bixiyana waxbarashada niikada, jilida, tiyaatarka, barashada dhaqaaqa iyo muusikada.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxey bixisaa qaabab kala duwan oo iskuulada dadka waaweyn ah iyo luqada iswiidhishka ee ahajnabiga, sfi. Waxbarashadeena dadka waaweyn waxey leedahay waxkasta laga bilaabo maadooyinka aasaasigaa ilaa barnaamijka mac'had yade sare.

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka heli kartaa qaabab kala duwan oo daryeel ah iyo rugta caafimaadka.

Rugta caafimaadka Söderhamn waa meel ay ku kulmaan qoysaska carruurta heysata 0-5 sano iyo haweenka uurka leh. Halkaan waxaa jooga qaabilaada ummulisada,daryeelka dhallaanka (BVC), hage bulsho iyo xanaano furan.

Gobolka Gävleborg wuxuu heystaa rug caafimaad oo gaar ah oo ku taala söderhamn lagu magacaabo caafimaadka qaxootiga iyo musaafiriinta kuwaasoo bixiya caafimaad-iyo daryeelka bukaanka iyo wadahadal caafimaad ee dadka qaxootiga ah.

Caawinaad turjubaan

Xiriirka oo dhan ee dowlada, degmada iyo daryeelka bukaanka waxaad xaq u leedahay caawinad tarjumaan haddadan ku hadlin ama aadan fammeynin iswiidhishka. Horey ayaa loo sii qabanayaa ee markaas howsha bulsho ee markaas jirta cidda qabaneysa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa ka jira xiriir gaadiid oo guud. Sidaas darteed ayaan dhiibnaa kaarka baska oo bilaash ah dhamaan ilmaha jira 7-19 sano oo ka diiwaan gashan degmada. Basas dhaqaaqooda uu isku xigxigo iyo tareen ka dhaqaaqaya Xarunta safarka oo ku yaala dhexbartanka.

X-trafiks lokala iyo gaadiidk baska ee gobolka waa laba si fiican u dhisan ee qeybaha degmada oo dhan. La simadka xarunta safarka waxa istaagaya xitaa Y-baska dhamadka usbuuca-iyo basaaska safarada dhaadheer.

Gacan haysa kaar bas oo bilaash ah horta bas ku soo socda bartamaha magaalada oo ka muuqata xaga dambe.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada, ama meel laga socon karo, waxa ka jira labadaba mid yar iyo mid weyn shaqo bixiye. Shaqada la dalban kara ee ka jirta xafada waxaad ka heleysaa bandhiga hordhaca ee lifaaqa shaqada banaan. Waxbarashooyinkeena shirkadaha cusub waxey ku siinayaan aqoonta muhiimka ah ee aad u baahan tahay haddaad rabtid inaad bilaawdo shirkad gooni ah.