Motala

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kusoo dhowoow degmada Motala- magaalo badadeedka gobolka Östergötland! Weey fududahay inaad nolol fiican ugu noolaatid degmada Motala, waxaana yaal waxyaabo badan oo aad kala dooran kartid. Wax kasta oo aad u baahan tahay si aad u heshid nolol firfircoon weey yaallaan meeshaan, meelo lagu dabbaasho, ciyaaraha, jawi wanaagsan, kalluumeysi, doomaha, dhaqanka iyo jaaliyadaha iyo wixii hal maala. Dhawaanshaha iyo in wax kasta si fudud loo helo waxeey kor u qaadeysaa qiimaha degmada. Ma rabtaa inaad ku noolaatid magaalo yar oo isla markaana u dhiganta magaalo weyn? Kusoo dhowoow Motala.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

43673

Cabirla dhulka

1267 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir diyaarad lagaga qaaday Motala oo harada Vättern ka muuqato xagga dambe

Deegaan

Ka dhawaanshaha biyaha waxeey ku siineeysaa meelo in la dego ku wanaagsan. Degmada Motala waxaa ku yaal guryo kiro, guryo la gadan karo, fillooyin. Kuwa guryaha kireeyo weey badan yihiin waxaana ka mid ah shirkadda guryaha ee degmada Platen. Shirkadaha kale ee guryaha waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka. Guryaha la gato iyo fillooyinka waxaad ka heli kartaa Hemnet wixii warbixin dheeraada ah oo ku saabsan xaafadaha la dego ee degmada Motala waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka. Ma dooneysaa dhul bannaan? Waxaad saf u gashaa dhulalka safka loo galo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha waaweyn ee loogu hadlo waa carabi, daari/iiraani, af-soomaali, tigree, fiinlaandees, kirundi, faransiis, kurdish, boolish, roomaaniyaan, arli, ruush, isbaanish, af-siiriyaan, teeylaandees, fiitnaamees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Motala waxaa ku yaal jaaliyado badan sida jaaliyadaha qowmiyadaha kala duwan eey leeyihiin ama jaaliyadaha ku howlan meheradaha xilli firaaqaha. Hadaad raadineysid jaaliyad khaas ah waxaad ka heli kartaa degmada liiskeeda diiwaangalinta jaaliyadaha. Hoos waxaa ku yaal jaaliyadaha ka jira degmada qaarkood.

  • Jaaliyada Arabiska vänskapsföreningen
  • Jaaliyada Bosniska föreningen Liljan
  • Jaaliyada Kroatiska föreningar
  • Jaaliyada Kurdiska föreningen
  • Jaaliyada Somaliska kulturföreningen
  • Jaaliyada Syrianska föreningen
  • Jaaliyada Syrisk ortodoxa kyrkan ungdomsförening
  • Jaaliyada Syrisk ortodoxa Maria Kyrkan
  • Jaaliyada Södra Afrika- kommittén

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Motala waxeey su'aalahaada ugu jawaabi kartaa taleefanka 0141-22 50 00 ama waxaad si toos ah u booqan kartaa Drottninggatan 2, 591 35 Motala.

Bryggan- waa xarun horudhac lagu siiyo dadka wadanka ku cusub oo soo dega degmada Motala

Xarunta Bryggan waxaan si wadajir ah iskula shaqeeynaa dad khibrado meelo kala duwan ka heysta si dadka ku cusub degmada Motala eey u helaan soo dhaweyn wanaagsan. Degmada Motala waxaa ku kulma dadka wadanka ku cusub oo da'kasta leh waxaana loo sii gudbiyaa xafiiska shaqada iyo barashada luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxotiga, sfi. Caruurta iyo dhalinyarada oo dhan waxeey la kulmaan shaqaalaha Bryggan si meel leeskula dhigo asaaskooda waxbarasho. Shaqaalaha ayaa ka mas'uul ah ineey wargeliyaan degmada qeybteeda daryeelka carruurta iyo iskoollada, waxeeyna carruurta geeyaan iskoolka eey bilaabayaan si eey ardayda kale isku baraan. Marka koowaad eey carruurtaas la kulmayaan kalkaalisada iskoolka waxeey kula kulmaan xarunta Bryggan. Waxaan kaloo carruurta ka caawinnaa la xiriirka jaaliyadaha kala duwan hadeey waxyaabo gaar ah oo eey xiiseynayaan.

Xarunta degmada ee Motala.

Dalyeelka carruurta

Warbixin dheeraada oo ku saabsan xanaanada carruurta iyo xanaanada furan waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Motala waxaad ka heleysaa fasalka xanaanada ( laga bilaabo 6 sano ), dugsiga hoosedhexe ( laga bilaabo 7 sano, sanad dugsiyeed waajib ku ah arday kasta 9 sano) iyo dugsi sare ( saddax sano dugsiga dhexe ka dib) oo leh qeybo waxbarasho oo kala duwan, qeybta ilmaha iyo xilli firaaqaha, dhismaha, dhaqaalaha, enerjiga iyo elektaroonikada, gaadiidka, macalinnimo, bulshada, farsamada warshadaha, borograam horudhax, dhaqan, culuunta seeyniska, culuunta mujtamaca, farsamada, daryeelka iyo caafimaadka. Warbixin ku saabsan iskoollada iyo warashada oo dhan waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Koox dhalinyaro ah oo jooga iskool oo wada jooga.

Furadaha waxbarasho

Degmada Motala waxeey ku siineysaa waxbarasho dadka waaweyn ah oo nuucyo kala duwan leh sida waxbarashada xirfadda (YH), farsamada cabirrida, caawiyaha kalkaalisada, daryeelaha dadka dhimirka ka jiran iyo sida loo daryeelo. Waxaan heynaa waxbarashada luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga (sfi), koorsooyin cunto karis, waxbarasho heer jaamacadeed oo ah dhinacyada wax soosaarka, macalimiinta xanaanada carruurta iyo macalimiinta caadiga ah. Waxaa kaloo jira fursado aad ku baran kartid sida shirkado loo furto hadaad rabtid inaad shirkad furatid waxaana caawimaad ka heleysaa xarunta Nyföretagarcentrum.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Warbixin dheeraada oo ku saabsan daryeelka iyo xananada waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka.

Caawinaad turjubaan

Qofkii booqanaya xafiisyada kala duwan oo aanan ku hadlio karin luqadda iswiidhishka waxuu xaq u leeyahay turjubaan. Waxaana qorsheynaya maamulaha aad kulanka la leedahay.

Xiriirka gaadiidka

Baabuur

Dhinaca koofureed: wadada weyn ee E4 ayaa ku geyneeysa degmada Ödeshög meeshaasna waxaad ka sii qaadaneysaa jidka 50 oo ku geynaya magaalada Örebro.

Dhinaca waqooyi: wadada 50 ee ku wajahan degmada Jönköping ayaa ku geyneeysa degmada degmada Motala.

Dhinaca bari: wadada weyn ee E4 isla markaana ku wajahan degmada Linköping oo aad kasii qaadaneysid jidka 34 (fd. 36) ayaa ku geyneeysa degmada

Muuqaal dhow oo doog leh ubaxyo lehna duur iyo guri ka muuqda xagga dambe.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn Motala waa degmada Motala, Gobolka Östergötland, Autoliv Electronics, Motala Verkstad, Poppelstaden Omsorgsförvaltning iyo Proxima Specialist​daryeelka. Shaqo-bixiyaha ugu weyn Borensberg waa Arla Plast, iyo masaafo u jirta Motala (qiyaastii 40 daqiiqo dhanka tareenka) xitaa fursado shaqo ayaa ka jira Linköping.