Ydre

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ydre waxay ka mid tahay degmooyinka ugu yeryer ee wadanka. Kaymo aad jiq u ah, dhulal waawey oo ay xooluhu daaqaan iyo boqolaalo baliyo ah, ayey leedahay Ydre. Waxa ay ka ag dhawdahay miiga wayna ka fogtahay werwerka iyo booqa magalada, isla markaana waxa ay leedaay oo ka ag dhaw aaladaha adeega. Intooda ugu badan waxa ay ka shaqeeyaan warshadaha wax soosaarka, ganacsiga, beeraha iyo dhirta, iyo sidoo kale qaybaha dadweynaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

3747

Cabirla dhulka

779 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada waxa ay ka koobantahay afar magaalo, Österbymo, Hestra, Rydsnäs iyo Asby. Österbymo waa magalada ugu wayn waxana degan dad lagu qiyaaso 860 qofood. Halkan waxa ku yala guryo kiro ah looguna tala galay qoysaska waaweyn iyo kuwa yaryarba. Hestrana waxa degan qiyaasti 480 qofood. Dadka badankood waxa ay deganyhin vilooyin ay leeyihin lakin waxa kale oo ku yaala kuryo kiro ah. Rydsnäs waxa degan qiyaanti dad gaaraya 290 qofood dadka badankood waxa ay deganyihiin vilooyin ay leeyihin. Asby waxa degan qiyaasto dad gaaraya 190 qofood. Iyada xataa dadka ugu badan waxa ay deganyihiin vilooyin ay leeyihin lakin guryo kiro ahna way leedahay. Shirkada guryahay ay degmadu leedahay waxa la yirhda Ydrebostäder AB waxa ayna leedaha qiyaasti 270 guryo ah marki laisku geeyo. Degmadu waxa ku yala qiyaas ahan 1800 oo guri iyo 1200 guri oo fasaxyada la dago.

Nin wata laba faras oo jooga suuqa beeralayda ee Åsby.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af swedhish, af jarmal, af hollandes, af danmark, af bosnia, af somali, af carabi, af dari iyo afka iraniga intaa oo loqadood aya laga helaya magalada.

Jaaliyado iyo ururu

Kanisada swedhishka, kanisada lagu magacabo Pingst, kanisada lagu magacabo Mission iyo qiyaasti 100 jaaliyadood ayaa ka hawlgala degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Österbymo waxa ku yaala xafiiska dowlada hoose, maktabad, xafiiska bulshada, rugta qaxootiga lagu qaabilo, rugta caafimaadka, farmashiyo, rugta warbixinta dalxiiska, dukankana lagu gado alaabta lasoo isticmalay, dukaanka cuntada, bankiga, dukaanka ubaxa, dukanka biraha, maqaayad cunto iyo maqayad laga shaaho. Hestra waxa ku yaala dukaan lagu iibiyo hadiyadaha iyo ubaxa maqaayadna ku dhextaal. Hestra baska kaa soo qaado wuxuu ku kenayaa Österbymo ama Tranås waxana loo socdaa 20 daqiiqadood. Asby waxa ku yaala dukan xaafadeed iyo dukanka lagu iibiyo alaabta lasoo isticmalay. Xiliga qaboobaha waxa loo tagi karaa cayaaraha barafka oo noocyo kala duwan leh. Magaalo kasta waxaa kale oo laga heli karaa baliyo loo dabaal tagi karo. Xiliga xagaaga waxay degmado furtaa iskool waqtiga la dhigto wuxuuna ku yaala Rydsnäs agagaarka baliga Lägern iyo agagaarka Asby Sand.

Haweenay ku fariisatay kuraasta banaanka ee bartamaha Österbymo. Dhismaha ka dambeeya waxaa ku taala maktabad iyo rugta caafimaadka.
Suuqa Österbymo oo soo jiitay soo booqdayaal badan.
Muuqaalka harada Sommen iyo jardiinada Ribbingshov. Xagga dambe waxaa ka muuqda duur.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurta yaryar iyo dugsiga waqtiga firaaqada lagu haayo ayaa ku yaala magaala kasta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Ydreskolan(i österbymo) xanaanada caruurta yaryar oo dadoodu kala tahay, 1-3 sano, 4-5 sano och 6-9 sano.

Hestraskolan(i Hestra) xanaanada caruurta yaryar oo dadoodi tahay 1-5 sano.

Dugsisare ayaa ku yaala Tranås iyo Eksjö.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay iibisaa waxbarashada dadka waaweeyn iyo barista af iswiidishka ee dadka ajnabiga ah gaarahaan degmooyinka udhaw.barista af iswiidhishka ee ajnabiga wuu kuyaalaa Tranås xagga Västra Vux Lärcentrum. Halkaas waxaa loo raaci karaa baska 630 marki laga tagaayo Österbymo waxayna qaadaneysaa 45 daqiiqo.

Caafimaadka

Österbymo waxaa ku yaala rug caafimaad, umuliso, rugta xannanada caruurta,daryeelka ilkaha dadweynaha iyo farmashiye.

Caawinaad turjubaan

Rugta qaxootiga lagu qaabila ee degmada iyo maamulada kaleba waxaa loogu turjumaa talefoon markii ay ubaahdaan.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiinta gudaha magaalada Ydre. Baska 630 ayaa aada Österbymo iyo Tranås. Tranås waxaa looga raaca tareen magaalada linköping/Stockholm ama Nässjö/Jönköping. Baska 631 ayaa aada österbymo iyo Eksjö. Eksjö waxa laga raaci karaa tariinka magalada ka shaqeeya (Krösatåget) loona raaci karaa ilaa iyo Nässjö, Jönköping/Göteborg, laga badalenayo Växjö.

Shaqo iyo ganacsi

Waxsoosaarka ganacsiga ee degmada Ydre waxa oo ugu muhiimsan oo uu ka koobmaa shirkadio iskugu jira yaryar iyo waawayn. Warshadaha ku yaala Ydre inta ugu badan waxa iskaleh shaqsiyaad ama waxa ka shaqeeya shaqaalo yar. Magaalada Ydre inteeda badan waxa laga shaqeeyaa beeraha iyo dhirta marka loo barbardhigo gobolka iyo wadanka. Wax soosaarka warshaduhu waa qaybta ganacsiga ugu badan ay ragu inta badan ka shaqaystan, inta ugu badan waaxda caafimaadka waxa ka shaqeeya dumar.
Waxa kaloo ragu intooda badan ka shaqeeyaan xaga dhismaha xaga waxbarashaduna waxay shaqaalaysiiyana sida badan haweenya marki loo fiiriyo raga. Shirkadaha Ydre waxa ugu shaqaalayn badan shirkada Camfil AB, Ydre Skåp AB och Ydre-Grinden AB. Dadka ugu badan ee magalada Ydre waxay u shaqo tagan ugu horeyn magaloyin ka baxsan degmana sida Tranås och Eksjö. Shaqo bixiyaasha ugu waawayn ee Tranås waa kuwa howlha guud ee degmada iyo xata kuwa gaarka loo leeyahay Bosch Termoteknik/IVT, Strömsholmen, OEM och EFG. Inta badan dadka degan magaalada Eksjö waxay ka shaqeeyaan isbitaalka.