Katrineholm

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Katrineholm waa degmo dhexdhexaad ah waxeeyna ku taal meel istaraatiiji ah. Xuduud 15 mayl gudaheed ah ayeey degmadu waxeey gaartaa dadka iswiidhan oo dhan markii saddax loo qeybiyo hal qeyb. Degmada Katrineholm firfircoonideeda darteed waxeey sababtay in eey sameeysmaan shirdado, horumar dhinaca waxbarashada ah iyo shirkadaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

34820

Cabirla dhulka

1189 kiilomitir oo laba jibaaran

Muqaalka suuq ay joogaan dad badan, meelaha wax lagu iibiyo iyo maqaaxiyaha dibedda.

Horumarkaas waxuu billowday markii la dhisay jidka tareenka eey degmadu leedahay sanadkii 1862. Hadda waxaa socda dhisitaanka xaafad cusub (det nya Katrineholm) Katrineholm ta cusub, oo noqon doonto xaafad warshadeed leh guryaheedii iyo adeegeeda kale, qeyb kamid ah xaafada oo daris la noqoneysa Stockholm oo iyadu aan aad uga dheereyn Katrineholm. Sanadadii ugu dambeeyay aad beey kor ugu qaadmeen dadka soo dagaya magaalada iyo shirkadahaba. Degmada oo leh waxyaabaha dabiiciga ah oo dhan sida balliyada iyo dhirta ayaa keeneysa in tayada ku noolaanshaheedu uu sarreeyo.

Deegaan

Ma rabtaa guri aad kireysatid? Ama guri aad gadatid? Degmadu waxeey leedahay shirkado badan oo kuwa guryaha ah, waxeeyna macaamiishooda diyaar ula yihiin guryo nuuc kala duwan leh; waxaa jira guryo ku yaal bartamaha degmada iyo kuwo ku yaal tuulooyinka ku yaal hareeraha degmada sida Bie, Sköldinge, Valla, Strångsjö, Julita/Äsköping, Björkvik och Forssjö.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa degmada looga hadlaa marka laga reebo luqadda iswiidhishka luqadaha kala ah, carabiga, af-soomaaliga, teeylaandees, tigreega, daari, albeeniyaan, iiraani, amaxaari, kurmaanji, ingiriis, fiinlaandees, faransiis iyo sawaaxili.

Bogga internetka ee degmada Katrineholm waxaa u badeli kartaa luqado kale adigoo isticmaalaya google translate (googlaha qeybtiisa fasiraada).

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Katrineholm waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan iyo kaniisado kale oo ah kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaa kaloo degmada ka jira jaaliyado oo xataa leh kuwo dadka qaxootiga ah eey leeyihiin, kuwaasoo meherado kale duwan u sameeya dadka degmada xilliyada firaaqada. Jaaliyadaha ka dhisan degmada waxaad ka heli kartaa liiska jaaliyadaha ee degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Katrineholm waxeey ku taal bartamaha gobolka Sörmland. Degmadu waxeey leedahay dhul dabiici ah oo loo damaashaad tago, sida meelo lagu socdo oo eey naftu jeceshahay iyo meelo leh jidad loogu tala talay in lagu lugeeyo.

Degmadu waxeey kaloo leedahay meelaha farshaxanka iyo goobaha isboortiska. Mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee isbootiska iswiidhan ayaa ku yaal degmada. Waa dhismo laagu tala galay in sanadka oo dhan lagu qabto 40 nuuc oo cayaaraha ibboortiska kala duwan.

Shan qof oo dhalinyaro ah oo huuri ku wata biyaha iyadoo dhul duur ah ka muuqdo xagga dambe.

Degmada Katrineholm waxaa jira munaasabado badan oo laga qey gali karo. Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Degmada boggeeda internetka ee dalxiiska waxaad ka heli kartaa meelaha dalxiiska iyo waxyaabaha laga qaban karo magaalada hadii aad u joogtid dalxiis ahaan. Waxaad booqan kartaa degmada xafiiskeeda qaabilsan arrimaheeda dalxiiska oo ku yaal xarunta tareenada.

Bartamaha degmada waxaa ku yaal adeega guud oo dhan sida isbitaal, rug caafimaad, maktabad, bangiyo, farmashiiye, shineemo, dukaamo gacan labaad, makhaayado, dukaamo cunto iyo meel caan ah oo lagu dabbaasho. Meelo badan sida maktabada Ängeln, gegida cayaaraha, darjiinnada degmada iyo goobaha dhalinyarada ee xilli firaaqeedka waxaa yaalla qalabka internetka ee WIFI-ga ah oo lacag la'aan ah.

Degmada waxaa u dhow magaalooyinka waaweyn ee dalka badankood. Magaalada stockhol hal saac oo tareen ah ayeey degmadu ujirtaa, Göteborg na waxeey u jirtaa ku dhowaad laba saac, Eskilstuna iyo Norrköping waxeey u jiraan 40 daqiiqo.

Guriga hiddaha iyo dhaqanka ee Ängeln waa good dadka oo dhan u furan yar iyo weyn, waxaana ku yaal meesha maktabad, meel farshaxan, biibito, xafiiska adeegga bulshada, xafiiska ceymiska dowladda iyo xafiiska cashuuraha.

Dalyeelka carruurta

Degmada Katrineholm waxaa ka jira 22 dugsiyada xannaanada carruurta oo kuwa dowladda ah iyo labo kuwa gaarka loo leeyahay ah. Warbixin ku saabsan dugsiyadaas waxaa lagu diyaariyay bogg internetka ah. Boggaan internetka ah waxaad ka heleysaa mucluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada xanaanada oo dhan.

Laba caruur ah iyo ey yar oo bunni ah oo ku ordaya doog dheer dhanka kaamarada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Katrineholm waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe oo gaaraya toboneeyo oo ku kala yaal xaafadaha Strångsjö, Valla, Bie, Julita, Björkvik, Sköldinge och Forssjö. Katrineholm waxeey kaloo leedahay dugsiyo hoosedhexe oo gaar loo leeyahay.

Degmada Katrineholm waxeey leedahay afar dugsiyada sare ah. Waxaana laga bartaa barnaamijyo kala duwan. Barnaamijyada qaar waa kuwo xirfadeed, qaarna waxeey waa kuwo aad ugu gudbi kartid heer jaamacadeed.

Degmada Katrineholm waxeey leedahay oo kale waxbarashada dadka waaweyn oo qeybo kala duwan leh.

Furadaha waxbarasho

Degmada Katrineholm waxeey kuu heysaa waxbarasho dadka waaweyn oo laga barto xarunta Viadidakt. Viadidakt waa xarun loogu tala galay is dhexgalka dadka degmada, shaqo abuuris iyo waxbarashada dadka waaweyn ee degmada Katrineholm iyo Vinåker.

Warbixin ku saabsan mujtamaca oo loogu tala galay qaxootiga

Warbixin ku saabsan sida eey bulshada iswiidhishka u shaqeeyso oo loogu tala galay dadka soo galootiga ah ayaa jira.

Waxbarasho luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay qaxootiga.

Waxbarasho (sfi) loogu tala galay dadka aan ku hadlin luqadaha iskandaneefiyaanka ah ayaa jira. Waxaa loogu tala galay qaxootiga.

Sfi waxaa xaq uleh qof kasta oo wadanka degan, buuxshayna 16 sano. Qofka dalbanaya waa inoosan waxba ka aqoon luqada iswiidhishka ah maadaama waxbarashadan loou tala galay dadka aan waxba ka aqoon iswiidhishka.

Qofka kasta waxuu xaq u leeyahay waxbarasho iyo gacan qabasho xagga barashada luqadda iyo shaqada ah, si uu bulshada usoo galo sida ugu dhaqsiyaha badan. Dhirarka waxbarashada waxuu ku xiranyahay waxa aad horay usoo baratay iyo maskaxdaada sida eey u fiicantahay.

Makhaayadda luqadda

Makhaayadda luqadda ee degmada waxaa loogu tala galay in baraktiko lagu sameeyo luqada iswiidhishka. Maktabada iyo Viadakt ayaa qabanqaabiyo meelahaas. Dadka qaxootiga ah ayaa meelahaas ku sameeyo baraktiko xagga luqadda ah. Waxeeyna iska bartaan dhaqamadooda kala duwan.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Waxbarashada aasaaska ah ee dadka waaweyn

Waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn waxaa loogu tala galay qofka da'diisu eey ka weyntahay 20 sano, oo aan soo baran waxa eey carruurta iyo dhalinyarada iskoolka lagu baro. Waxbarashada waa lacag la'aan qasabna ma'ah.

Adigaa go'aaminaya qaabka aad wax ubaraneysid iyo dhaqsida aad rabtid inaad ubaratid. Waxaad wax baran kartaa adigoo shaqeynaya ama baranaya waxyaabo kale. Dadka dhimirkoooda wax si ka yihiin waxeey Viadakt u heeysaa waxbarasho qaas u ah dadkaas.

Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn

Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn ayaa jirta. Waa haddii aad rabtid inaad heer jaamacadeed inaad gaartid iyo hadii shaqo eey kaaga xirantahay.

Jaamacad, machad iyo iskoollada xirfadaha

Fursado heer jaamacadeed ah ayaa ka jira Katrineholm. Viadakt waxuu wada shaqeyn la leeyahay jaamacado iyo machadyo fara badan. Taasna waxeey fududeeysay inaad waxbarasho nuucyo kala duwan leh aad ka baran kartid Katrineholm.

Lookallada ama dhismaha Viadakt

Haddii aad tahay arday jaamacadeed waxaad isticmaali kartaa lookallada Viadakt ee ku yaal Kullbergska Katrineholm. Qololkooda iyo lookalladooda waxaa yaalla kombuyuutarro, internet, koobbi gareeye, fax, taleefan, meel cuntada lagu cuno, biibito aad ka gadan kartid shukulaato, shaah iyo kaffee.

Lookallada maalin walba weey furayihiin haduusan qof hore u qabsan.

Nin farta fiiqaya oo haweenay wax ka tusaya shaashad kombiyuutar taas oo fadhida miiska wax lagu qoro.

Caafimaadka

Gudaha degmada Katrineholm waxaa laga helaa isbitaalka gobolka, isbitaalka Kullbergska. Waa Gobolka Sörmland kuwa mas'uulka ka ah isbitaalka iyo saddexda ruggaha caafimaadka lehna ruggaha caafimaadka caruurta iyo qaabilaada kalkaalisada caafimaad ee degmada.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Juquraafi ahaan degmada Katrineholm meel aad u fiican ayeey ku taal. Waxaa ku yaal waddooyinka eey ku kulmaan gaadiidyada usocda bariga iyo galbeedka dalka. Xuduud 15 mayl gudaheed ah ayeey degmadu waxeey ujirtaa dadka iswiidhan oo dhan markii saddax loo qeybiyo hal qeyb. Tareenka Stockholm kasoo baxo waxuu ku joogaa Katrineholm saacad ka yar, Göteborg laba saac. Magaalooyinka kale oo uu tareenka waqtiyo yar ku tago waxeey kala yihiin Norrköping, Linköping, Eskilstuna iyo Västerås. Dad badanoo degan Katrineholm waxeey u shaqo tagaan magaalooyinka u dhow.

Magaalooyinka Norrköping, Nyköping, Eskilstuna iyo Örebro waxeey Katrineholm u jiraan hal saac oo safar baabuur ah.

Gegida diyaaradaha ee Norrköping iyo kan stockholm-skavsta waxeey u jiraan hal saac wax ka yar oo safar baabuur ah. Madaarradaasna jeekinkaada dhaqsi ayaad u sameysan kartaa adigoo galin safaf dhaadheer.

Degmadu waxeey leedahay wax kasta oo lagu doorto magaalo yar oo dhan, magaalooyinka waaweyna masaafo dheer uma jiraan.

Dad fadhiya oo jooga boosteejada ka soo horjeedka xarunta tareenada ee Katrineholm.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyayaasha ugu waaweyn marka laga reebo degmada Katrineholm iyo maamulka Gobolka Sörmland waa SKF, Ericsson, Kronfågel, Sörmlands Grafiska iyo Finja Prefab.

Shaqooyin badan oo dhinaca gaadiidka safarka ah ayaa jira maadaama magaaloyinka Stockholm, Örebro, Eskilstuna, Norrköping iyo Linköping eey ku yaallaan meelo hal saac u jira degmada Katrineholm.