Håbo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Håbo waxeey meel bartame uga lee dahay Mälardalen iyo xeeb 12 maayl ah. Halkaana waxaa jiro raadad badan ee taarikhda, shan kaniiso oo sanadyadi-dhexe, dhagaxyo hore oo sodan gaarayo iyo qalcada Iswiidhan aduunka uga caan ah ee Skokloster.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

21959

Cabirla dhulka

186 kiilomitir oo laba jibaaran

Qalcada Skokloster Qalcad cadaan ah oo leh saqaf madow ah.

Boqolaalo sano Håbo waxeey ahaate meel leh raaxo iyo aragti. Dabiicada qurxon oo kala gadiska leh, waxeey keeneeysaa neegaansho iyo aragtida ee taajir uga tahay dhanka xayawaanada iyo shimbiraha. Håbo waa korooysaa, maantana waxeey lee dahay 20 000 oo qof, ganacsi soo ubaxmaayo, waxeeyna taajir ka tahay ururada. Xaafada bartameed ee Bålsta waxeey Stockholm uu jirtaa 30 daqiiqo iyo 40 daqiiqo Arlanda ayadoo leh hab safareed oo wanaagsan.

Deegaan

Gudaha degmada Håbo degaanada soo bandhigooda waa kala duwan yihiin. Guriyaasha yar waa habka ugu badan. Sido kale Bålsta iyo Skoklosten waxaa ku yaalo guriyaal la gato iyo kuwo la kireeysto. Håbohus AB waa shirkada guriyaasha ee degmada lee dahay. Shirkada waxeey lee dahay ku dhawaad 1 250 guri iyo goobo xafiis iyo hoowlo ganacsi. Sido kale degmad waxaa ka jiro shirkadooyin badan oo guriyaal ku leh.

Guryo cadaan ah oo leh balakoono quraarad ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha qaarkood oo degmada ka jiro, haddii aan lagu darin luuqadaha waqooyiga yurub waa af carabi, af ingriis, afka thayland, afka ruushka, afka shineeska, af kinyarwanda, af isbaaniyool, af taliyaani, afka litweeyn, afka booland, af iraan, afka kurdiga iyo af daari.

Carurta xanaanda ku jiro iyo ardayda ku jiro iskuulka oo afkooda hooyo uu san iswiidhish aheeyn waxaa loo dhigii karaa afkooda hooyo. Degmada ayaa habeeyneeyso waxbarshada afka hooyo oo loogu tala galay ardaya fasalka 1 9 haddii ee jiran ugu yaraan shan arday iyo macalin haboon. Luuqada waxaa la doonaa in ee tahay mid guriga ka firfircoon, ardaygana uu ulee yahay aqoon asaasi ah.

Jaaliyado iyo ururu

Håbo waxaa ku yaalo ururo badan oo kala duwan, tusaale ahaan ururo isboorti, ururo dhaqan iyo ururo hawl gab. Degmada diwaankeeda-urureed adiga ayaa ka raadsan karo waxa aad adiga hami uu heeyso. Degmada Håbo waxaa ka howl galo ku dhawaad 150 urur oo kala duwan, halkaas ee afartan-yamo ee wadan hoowlo loogu tala galay caruur iyo dhalinyaro. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo ururo diineed kanisaadooyin iswiidhish ah iyo kuwo waqooyiyi yurubeed.

Maxaa ka ag dhaw

Xaafada bartamaha Bålsta ee gudaha Håbo, waa meel bartamo oo casri ah oo ku hareersan bey'ad taariikhi ah. Bartamaha waxaa ku yaalo dukaamo iyo maqaayado. Xafiiska shaqada, xafiiska bulshada, rugta caafimaadka iyo daryeelka ilkaha waxeey ku yaalin bartamaha. Qasnada ceeymiska ugu dhaw iyo xafiiska canshuuraha waa gudaha Enköping, Uppsala ama Sundbyberg. Guriga degmada waxuu ku yaala bartamaha Bålsta. Guriga degmada waxaa ku dhex yaalo isku xidhidha qaxootiga oo ka shaqeeyo qabilaada qaxootiga ee gudaha Håbo.

Dalyeelka carruurta

Degmada Håbo waxaa ku taalo 14 dugsiyaal xanaanoo ee degmadeed iyo six dugsiyaal xanaano ee sanada degmada kala wadin. Degmada waxeey lee dahay dugsiyaal xanaano oo dadka dhamaantood sii oon ugu habnaan karo, tusaale ahaan, dugsiyal xanaano oo leh qeeybo uu haboon qofka xasaasiga qabo iyo qeeybo loogu talo galay caruurta uu baahan tageero dheerad ah ama qabo baahi gaar ah.

Dugsiga xanaanda furan waa goob kulan ee qofka xanaanada uu sharciyeesan si wadajir ah caruurta ugula kulmi karo karo dad weeyn iyo caruur kale. Degmadaw axeey lee dahay labo dugsiyaal xanaano oo furan:

  • Gudaha Novilla oo ku taalo gudaha bartamaha Bålsta agagaagarka centrumteressan
  • Gudaha goobta dhalinyarada agagaarka goobta damdamiska ee Skokloster

Kaniisada Iswiidhian waxeey lee dahay dugsi xanaano oo furan oo ku Håbo uga yaalo meelo kala duwan, furana maalmo kala duwan. Caruurta dalka cusub ee ku jiro da'da dugsiga xanaanada waxaa qaabilaayo xafiiska iskuulada oo markaasi canuga geeynaayo meel sax iyo helida caawinaad sax dhanka dugsi xanaaneedka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Håbo waxaa ku taalo 7 dugsiyaal hoose ee degmadeed iyo 3 dugsiyaal hoose oo madaxbanaan. Canuga waxuu ka bilabaa fasalka ebaraadka, waxuuna dhigana markaas sagaal sano oo dugsi hoose ah. Håbo waxaa ku yaalo hal dugsi sare, dugsiga sare ee Fridegård, oo ay kala wado degmada, waxuuna lee yahay 500 oo arday.­ Sido kale ardayda dooneeyso degmada dibadeeda dugsi sare waa ka dhugan karaan. Lacagta waxaa dhiibeeyso degmada uu ardayga ka diiwaan galsan yahay. Dhalinyarta Iswiidhan dhamantood oo dhameeystiray dugsiga hoose waxeey xaq uu lee yihiin waxbarasho dugsi sare oo sadax sano ah.

Caruurta dalka ku cusub iyo da'yarta ee mudada iskuulka, ilaa 19 sano, waxaa qaabilo wasaarada iskuulada oo canuga ama da' yarta firiineeyso in meel saxsan iyo caawinaad saxsan gudaha iskuulka.

Afar ah dhalinayrada iskoolka oo haysta khariidad wareegsan.

Furadaha waxbarasho

Qofkii rabo waxbarasho in uu dhigto ee gudaha Håbo fursado fiican ayuu heeystaa. Waxbarashad dadka waa weeyn ayadoo nuucyo badan ayee jirtaa, waxaana kala wado qeeybo kala duwan. Degmada Håbo waxeey soo bandhigeeysaa waxbarasho loogu tala galay qofka doonaayo in uu dhameeystiro waxbarasho hore ama waxbarsho loogu tala galay qofka doonaayo in uu xirfad cusub barto. Halkaan waxaa ku yaalo dugsiga daka waa weeyn, waxbarshada dadka waa weeyn oo le hasaaska waxbarashada dadka weeyn, waxbarasho heer dugsi sare ee dadka waa weeyn, waxbarasho dadka waa weeyn ee gaar ah ( särvux) iyo iswiidhiska soo galooytiga cusub (sfi).

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Haweenay fadhida maktabad oo wax akhrinaysa.

Caafimaadka

Håbo waxay ka tirsantahay Gobolka Uppsala oo qofkii u baahan daryeelka bukaanka ama talo dhinaca arrimaha caafimaadka wuxuu la xiriirayaa rugta caafimaadka. Waxaa laga helaa ruggag caafimaad oo baraayfad ah iyo kuwa maamulka gobolka wado labadaba oo adigaa dooranaya ka aad doonaysid inaad ka tirsanaato.

Håbo waxaa ku taalo sadax ruggag caafimaad iyo hal qaabilaad dhalinyaro: Bålstadoktorn, Familjeläkarna Bålsta, Håbohälsan och qaabilada dhalinyarada Bålsta. Rugta caafimaadka waxaa joogo dhakhtar, kalkaaliso degmadeed, umuliso, kalkaaliso caruur, kalkaalisa dhadhaqaaqa, kalkaalisa jimicsiga bukaanka iyo la taliye ama cilmi nafsi yaqaan. Isbitaal ayaa ku yaalo Enköping oo leh qeeyb degdeg oo wada qalabeeysan iyo waxaa jiro isbitaalka Akademiska oo ku yaalo Uppsala.

Xarunta caafimaadka socdaalka Cosmos ee gudaha degmada Uppsala waxeey qaabileeysa dhamaan magangalyo doonka ee gobolka Uppsala. Halkaan waxuu qofka fursad ugu lee yahay wada hadal caafimaad, booqasho dhakhtar, booqasho kalkaaliso caafimaad, wada hadal taageero oo leh taliye, gudbin ku socoto takhasuse iyo qorid daawo. Qofka helay sharciga daganaansha ee rasmiga ah waxuu tagaa ruggag caafimaadka ee gudaha degmada Håbo.

Caawinaad turjubaan

Qofkii leh luuqad hooyo oo kale oo aan ahayn Iswiidhish una baahan turjubaan xilliga la kulanka wakiilada degmada waa inuu sii sheegaa marka la ballaminayo. Shaqalaaha degmada ayaa balaminaayo turjumaan. Taas la mid ah ayaa ansax ah xilliga booqashada daryeelka bukaanka iyo dhakhtarka ilkaha, laakiin markaas waa gobolka shaqaalahoodu kuwa ballamiyaan turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Uu soo socodka Håbo iyo gudaheedaba waxaa ka jiro gaadiid dad weeyne oo fiican:

Tareenka xaafadaha

Tareenka xaafadaha ee SL waxuu baxa 30kii daqiiqo hal laabatan iyo afarka saac. Tareenka xafadeed ee SL waxaa bartamaha Stockholm ku tageeysaa 38 daqiiqo.

Tareenka gobaleedka ee SJ

Tareenka gobaleedka ee SJ waxuu tagaa Sundbyberg iyo bartamaha Stockholm. Marki aad raaceeyso tareenka goboleedka bartamaha Stockholm waxaad ku tageeysaa 30 daqiiqo.

Bas

Basas si isku xigo ee uu tagaan Enköping, Västerås iyo Uppsala. Sido kale Bålsta waxeey qabtaa basas toos uu tago goobta duulimaadka Arlanda.

Tareen istaagay boosteejada.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha degmada Håbo waxaa ka jiro shaqooyin badan oo mecno ku fadhiyo oo hal wax ula jeedado ee tahay in xanaaneeysano degmadeena iyo dadka dhex degan. In la sameeyo nolol tayo fiican leh. Degmada Håbo waxeey uu baahnaa doontaa in ee shaqaleeyso dad cusub sanadooyinka dhaw ee soo socdo. Sababaha waxaa ka mid tahay dad badan oo hawlgab noqonaayo.