Vimmerby

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Vimmerby waa degmo ku taal gobolka Kalmar waana degmo qurux badan, balliyo qurux badan iyo jaaliyado firfircoon ayaa ku yaal. Qoraaga buugagta carruurta ee caanka ah Astrid Lindgren waxeey ku kortay degmada Vimmerby, qoraanimadeedana waxeey raad ku reybtay degmada oo dhan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15744

Cabirla dhulka

1220 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Vimmerby shirkadeeda guryaha Vimarhem waxeey leedahay 1300 oo guryo kuwaasoo ku kala yaal degmada qeybahaeeda kala duwan. Waxaa kaloo degmada ku yaal shikado baraayfat ah oo guryaha laga kireysto, warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa degmada Vimmerby boggeeda internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha looga hadlo degmada carabi, daari, iiraani, af-soomaali, isbaanish, albeeniyaan, teeylaandees, boosniyaan, seerbiyaan, kurweeshiyaan och af-ruush.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Vimmerby waxaa ka diinwaan gashan 180 jaaliyadood, waana jaaliyo aad ufirfircoon. Liska jaaliyadaha ee ku qoran degmada Vimmerby boggeeda internetka ayaad ka heleysaa, waxaa kaloo ha heli kartaa isla meeshaas sida loo caawiyo jaaliyadaha. Degmada Vimmerby waxaa aqoonsaday ineey tahay degmada ugu fiican ee gobolka marka laga eego dhinacyada iskoollada hiddaha iyo dhaqanka 2014. Halkaan waxaad ka baran koorsooyin kala duwan, sida dheesha, muusiga iyo tiyaatarka.

Laba gabdhood iyo wiil ku tababaranaya kubadda cagta. Tababaruhu wuu la ciyaarayaa.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Vimmerby waa degmo yar oo ganacsigeeda kobcayo. Bartamaha degmada iyo nawaaxigeedaba waxaa ku yaal dukaamo kala duwan, dukaamo cunto iyo maktabad. Vimmerby waxaa kaloo ku yaal dukaamo gacan labaad badan sida Erikshjälpen. Xafiiska shaqada waxuu ku yaal bartamaha degmada waxeeyna isku dhismo ku yaallaan maktabada iyo xafiiska bulshada. Degmada Vimmerby waxaa ku yaal Astrid Lindgrens Näs. Waxaad meesha ku booqan kartaa qoraaga caanka ah guriga uu kusoo koray waxaadna ku lugeyn kartaa darjiinada ku yaal meeshaas. Hadaa rabtid inaad wax kasoo gadatid dukaamo weyn waxaa jira gaadiid si dhib la'aana kuu geeynaya magaalooyinka Linköping, Jönköping iyo Kalmar.

Wiil haro biyo ah kaga soo boodaya loox. Waa xagaa waxaana jirta cad-ceed.

Dalyeelka carruurta

Waxaa ku yaal degmada Vimmarby iskoollada xanaanada carruurta oo badan, waxeeyna isugu jiraan kuwo dowladeed iyo kuwo gaar looleeyahay.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxeey leedahay labo dugsi hoosedhexe iyo hal dugsisare oo leh siddeed barnaamij oo kala duwan. Waxaa kaloo dooran kartaa kooorsooyin siyaado ah sida ciyaarta iyo kubadda cagta. Waxaa ku yaal sagaal dugsi hoosedhexe, labo waxeey ku yaallaan degmada dhexdeeda inta kalana waxeey ku yaallaan xaafadaha degmada. warbixin dheeraada oo ku saabsan iskoollada Vimmarby waxaad ka heli kartaa degmada Vimmerby boggeeda internetka.

Furadaha waxbarasho

Vimmerby Lärcenter/Högskolecentrum waa xarumaha waxbarasho ee dadka waaweyn. Waxaa lagu bartaa iswiidhishka la baro qaxootiga ku cusub wadanka (sfi), koorso ku saabsan bulshada iswiidhishka ah iyo sida eey u shaqeeyso iyo barnaamijyo waxbarasho oo heer machadeed ah. Vägledningscentrum waxuu kaa caawinayaa sida aad u qorsheyn laheeyd waxbarashada aad xiiseysid iyo sida aad ku gaari laheyd. Vimmerby folkhögskola waa xarun waxbarasho oo leh barnaamijyo waxbarasho kala duwan, sida waxbarashada hogaaminta carruurta iyo dhalinyarada iyo maamulida caafimaadka.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka degmada Vimmarby waxeey ku taal bartamaha degmada waxeeyna leedahay meelo eey kalkaalisada iyo dhakhtarkaba eey ku qaabbilaan bukaan socodka. Vimmarby waxaa kaloo ku yaal xarunta daryeelka carruurta iyo hooyada. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal Västerås oo shan mayl u jira Vimmarby.

Caawinaad turjubaan

Degmada Vimmerby waxeey turjubaan isticmaashaa marka loo baahanyahay.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa jira gaadiidyo safar oo fursad kuu siinaya inaad si raaxa leh ugu safartid magaalooyinka waaweyn waxaana la dhahaa KLT, Kalmar Läns Trafik. Gaadiidka Kustpilen waxuu maalin walba marar badan u kala gooshaa magaalooyinka Linköping iyo Kalmar, Degmada Vimmerby wadadaas ayeey ku taal, gaadiidkana wuu istaagaa.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Vimmerby dhaqaalaheeda aad ayuu u fiicanyahay, ganacsigana waxuu qeyb ka yahay taariikhda degmada. Xarunta dhaqaalaha iyo wax soosaarka waxeey dadka ka caawisaa wixii la xiriiri ganacsiga, sida loo bilaabo iyo waddooyinka loo maro. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada waa isla degmada oo eey ka shaqeeyaan 1300 shaqaale. Warshadaha waxsoosaarka qeyb weyn ayeey ka yihiin dhaqaalaha degmada, warshada biraha Ljunghälls AB waa shirkadda ugu weyn ee baraayfat ah waxaana ka shaqeeya 500 shaqaale. Shirkado raashin oo waaweyn ayaa xarumo ku leh degmada Vimmerby sida Arla Food AB, Frödinge Mejeri AB iyo AB Åbro Bryggeri. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa kordhay dadka usoo dalxiis tago degmada. Waxaa degmada soo booqdo sanad walba dad gaaraya 450 000, badankood waxeey soo booqdaan Astrid Lindgrens Värld, oo ka mid ah shaqa bixiyayaasha waaweyn ee wakhtiga xagaaga.