Lessebo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Hadii aad degantahay degada Lessebo waa mujtamac yar una dhaw magalooyin waawayn lehna fursado badan. Way sahlantahay in aad u kala socoto magaalooyinka waawayn ee gobolka adigoo qaadan kara bas ama tariin.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8749

Cabirla dhulka

456 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Lessebo waxay ka koobantaa afar magaalo; Lessebo, Hovmantrop, Kosta iyo Skruv. Magaalooyinka oo dhan waxa ay leeyin xanaanada caruurta, iskool, maktabad iyo xanaanada dadka waayeelada ah. Waxayna u dhawdahay magaalada wayn ee Växjö oo leh jamacad lagu magacabo Linne iyadoo fursado waxbarashana laga heli karo.

Deegaan

Degmada waxa ay leedahay guryo iyo vilooyin. Shirkada ugu wayn ee guryaha laga gireysto waa Lessebohus.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Lessebo waxa looga hadlaa luqado kala duwan sida af somaliga iyo af carabiga. Maktabada waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan luqadaha kale iyo swedhishka.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Lessebo waa magaalo jaaliyado badan. Hadii aad doonayso in aad wax ka ogaato jaaliyadaha booqo websidka Föreningsliv.

Maxaa ka ag dhaw

Agagaarka degmada waxa ku yaala dukaamo kala duwan ee cunto, maktabad, maqaayado shaax, maqaayado cunto, xafiiska shaqada, meelaha waqtiyada firaaqada ah la tago. Xafiiska bulshada, bangi, farmashiye, waxyaabo raqiis ah ay ka mid yihiin dhar, kabo, iyo qalabka guriga, meelo lagu iibiyo qalabka qaraashka iyo dukaamo lagu iibiyo waxa lasoo isticmalay iyo wax kale oo badan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Lessebo waxay u habaysa xanaano carruurta ay da'doodu u dhaxayso 1 ilaa iyo 5 sano. Waxa kale oo aan haysanaa meesha lagu hada carruurta waqtiga ay fasaxa yihin caruurta ay da'doodu tahay ilaa iyo 12 sano. Carruurta waxa ay tagaan meesha lagu hayo waqtiga firaaqada marki aysan iskool aadaynin. Degmada Lessebo magaalooyinkeeda oo dhan Lessebo, Hovmantorp, Kosta och Skruv way leeyihiin xanaanada carruurta. Iskoolada oo dhan waxay leeyihin meesha lagu hayo carruurta waqtiga firaaqada. Xanaanooyinka carruurta waxa gacanta ku haya degmada intaanan mid ka ahayn kaasna waalidiinta ayaa gacanta ku haya. Sugitaanka helista xanaanada carruurta ma dheera.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Lessebo waaxa ku yaala xanaanada carruurta, dugsi hoose dhexe, dugsiga sare iyo waxbarashada dadka waawayn. Växjö waxa ku yaala dugsiyo sare iyo jaamacad.

Furadaha waxbarasho

Barista af swedhishka ee dadka ajnabiga ee degmada Lessebo waxay khibrad dher u leedahay barista luqada af swedhishka. Intaas waxa u dheer Lessebo fursadaha waxbarashada ee dadka waawayn. Waxay u habeeyaan waxbarashada si qofkastaba ku haboon.

Ma xiisaynaysaa shaqo xirfadeed ama waxbarasho sare waxa jira fursado badan oo la iskugu soconayo masaafo gaaban Växjö iyo Kalmar.

Caafimaadka

Waxaa laga helaa gobolkan oo dhan daryeel caafimaad iyo bukaan oo si fiican u dhisan. Lessebo waxaa ku yaala laba rugo caafimaad, xarunta daryeelka hooyada, xarunta daryeelka caruurta, xarunta qoyska, daryeelka caafimaadka iskoolka iyo daryeelka ilkaha. Booqo Gobolka Kronoberg boggeeda intarnatka haddii aad xiisaynayso sida daryeelka caafimaadka iyo bukaanka u shaqeeyo ee uga habaysanyahay gudaha gobolkan.

Caawinaad turjubaan

Waa muhiim in aad baratid luqada sida ugu dhaqsiyaha badan. Lakin hadii aad u baahantahay turjubaan la xiriir meesha dadka lagu soo dhaweeyo ee degmada Lessebo, telefokeedu waa 0478-125 00.

Xiriirka gaadiidka

Waxa jira xiriir wanaagsan xaga basaska iyo tariinada u socda kana yimada magaalooyinka kale. Jadwalka aqtiyada iyo warbixinba waxad ka helaysaa SJ iyo Gaadiidka gobolka Kronoberg.

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Degmada shaqabixiyayaashooda ugu daban waa Lessebo kommun, Kosta Boda Art Hotel, Kosta outlet, Orrefors Kosta Boda iyo Lessebo bruk. Shaqo bixiyayaasha badani waxay ka jiraan meelaha la isugu socdo.