Tingsryd

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ma rabtaa in aad dagto, degmo baadiyeed oo soo jiidasho leh laakin isla markaana uu dhaw magaalo weeyn? Hadaba degmada Tingsryd waa degmo adiga laguugu tala galay. Tingsryd waa bulsho dhaqan badan oo aan soo hormarinyo kulanka dadka.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12395

Cabirla dhulka

1207 kiilomitir oo laba jibaaran

Saddex guri oo guduud ah oo leh hareerayaal cadaan ah oo safan. Laba jeegaan oo ku baahay cirka.

Halkaan caruurtada waxeey ku kori karaan amaanka oo dhan, adigoo waalid ahna waxaad fursad uu heleeysaa in aad ka qeeyb qaadato jawi urureed oo badan iyo jawi shirkadeed oo firfircoon. Iskuulo fiican, ruggag caadimad, farmshaiye, bankiyaal, dukaamo cunto oo leh hilib-xalaal ah, maktabad, xafiiska shaqada iyo dukaama socod kuu jiro. Waa kuwo dhaw, gaar ahaan qofka aan liisinka gaariga heeysan.

Deegaan

Degmada Tingsryd ku dhawaad dadka dhamaantood waa is wada yaqaaniin, taasna waxeey keeneeysaa xooga amaan ah. Si aad uu hesho guri la xariir lee Tingsrydsbostäder oo degmada ku leh boqolaal. Qooyskaada intuu rabo hala ekaado, waxaa uu jiro guryaal leh kiro rakhiis ah. Sido kale waxaad ka fiirin kartaa milkiyaasha-guriyaasha gaarka ee Tingrsryd.

Guri cadaan ah lehna afar dabaq iyo daaqado ku jeeda jihooyinka oo dhan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Tingsryd waa degmo dhaqamo badan oo leh dhalashooyin badan. Halkaan iswidhishka ma ahane waxaa dagan dad uu dhashay suuriya, soomaaliya, jarmal, afghanistan, ciraaq, holland, iran, albaaniya, ruushka, norweey, denmark, serbiya, eriteriya, thayland, ingriiska, beljym iyo in kale. Degmada waxeey sanadooyin badan uu noqotay meel ee jecelyihiin dadka ka yimid jarmalka, holland iyo denmark.

Jaaliyado iyo ururu

In laga hoowl galo urur waa hab fiican oo xariir dadka kale lala yeesha iyo asxaab la sameeysto. Haddii aad xiiso uu heeyso isboorti, kaluun, heeeso ama haddii aad dooneysoo in aad dadka kale la kulanto la xariir lee hal urur, warbixin dheeraad ah iyo warbixin-xariireed waxaad ka heleeysaa degmada diwaankeeda-ururueed.

Qofka rabo in uu aado shirkad waxaa jirto kaniisada Iswiidhan iyo kaniisada Söderport. Laakin masaajid waxuu ku yaala Växjö, halkaasna waxaa lagu tagaa in yar oo dhafeeyso 30 daqiiqo oo bas ah.

Miis dheer oo la dhigay cuntooyin kala duwan. Xab-xab, salaato iyo digaag la shiilay ayaa saaran miiska. Laba haweenay waayeel ah oo si xiiso leh u fiirinaya cuntada la dhigay.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiisyada arrimaha maddaniga ah

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan iskuul ama caafimaad ama haddii aad uu baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foom? Anaga ku caawineeyno! Xafiiska dad weeynaha ee degmada Tingsryd waxaa joogo shaqaale aqoon-xirfadeed leh oo kuugu caawin karo su'alahaada dhamaantod. Halkaas waxaad kula kulmi kartaa isku xidhaha-is dhexgalka oo ku caawinaayo laga bilaaba iska diiwaangalinta barashada iswiidhishka ilaa la xariirka Qasnada ceeymiska ama Hey'adda socdaalka.

Goobo kulan

Sido kale degmada Tingsryd waxaa ku taalo goobo kulanka oo kala duwan. Torgträffen ee gudaha Ryd, Träffpunkt Urshult, Träffpunkt Tingsryd iyo Träffpunkt Konga. Halkaas waxaan ku soo bandhignaa ka caawida iswiidhishka, caruurta iyo dadka waa weeynba. Waxaan heeynaa hoowlo kala duwan oo ku socdo kooxa dhamaantood iyo da' kasto.

Ganacsi

Cunto, dhar iyo alaab guri waxaad ka gadan kartaa dukaamada kala duwan ee ku yaalo degmada. Dukaamanka qarkood waxaa xataa ka iibsan kartaa hilib xalaal ah. SIdo kale waxaa jiro dukaaman gacan labaad sidii Röda korsets Kupan, Söderportkyrkans Café Migori eller Lions loppis oo aad ka iibsan kartid alaab guri, dhar iyo maacun oo qurxoon hadana raakhis ah.

Maktabad

Maktabad ayaa ku taalo gudaha Tingsryd, Urshult, Ryd, Älmeboda, Linneryd, Väckelsång iyo Konga. Waxaad mesha ku akhrisan kartaa buugag ama wargeeysyo ama si bilaash ayaa uu amaahan kartaa. Haddii uu jiro buug ama wargeeysi aad uu bahan tahay oo aan meesha oolin waa dalban kartaa. Ka akhriso in dheeraad ah oo ku saabsan maktabada Tingsryd bogga degmada.

Qol ku yaala maktabad leh khaanadaha buugta, dhulka ilaa saqafka sare. Qolkan waxaa yaala kursi weyn oo guduud ah iyo miis yar oo wareegsan iyo kuraas.

Dalyeelka carruurta

Degmada Tingrys waxaa ku yaalo iskuulo iyo dugsiyaal xanaano oo kuu dhaw, taasi waa sii ee soo jiidashu ugu lahaato qofka caruurta leh. Degmada Tingsryd hadkeeda waxuu yahay in dugsiyada xanaada iyo iskuulada ee ku yaalaan degmada todobadeedba qeeybood iyo waalidka dhaamantood ku qanacsanadaayan hadana daremaan in ka qeeyb qaataan. Waxaa jiro adeeg-damaan oo mecnaheed tahay in boos dugsi xanano/guriga xilliga firaaqada lagaaga damaan qaadaayo ugu danbeeys sadax bilood ka dib markii aad dhiibatid codsigaada. Iskuulka waa lacag la'aan, caruurtadana cunto iyo gaar raaci si balaash ah ayee ku helayaan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa jiro todobo dugsiyaal hoose ee degmadeed oo ku yaalo Tingsryd: Urshult, Ryd, Rävemåla, Linneryd, Konga, iyo Väckelsång. Halkaas ayuu canuugada ku dhigan karaa iswiidhishka iyo maadooyin kale laakin sido kalena afkiisa hooyo.

Todobada dugsiyaalada hoose ma ahane waxaa jiro dugsi sare ee degmadeed, Wasaskolan oo leh fasal caalami ah oo loogu tala galay ardayda dalka ku cusub. Sido kale halkaas waxaa jiro dugsiga sare ee gaarka ah oo loogu tala galay ardayda qabo carqalad jireed ama maskaxeed.

Degmada Tingsryd waxeey kale oo lee dahay mid ka mid ah iskulada heesha ee ugu fiican hadana ugu casiyeeysan dalka oo dahn, AMB (Academy of Music and Business). Halkaan qofka xiiso weeyn uu hayo heesaha ayaa fursad uu heli karo in uu ku dhigto bey'ad fiican oo dagan.

Jardiinada iskool halkaas oo sideed caruur ah ay si safan isku ag taaganyihiin oo bixinayaan salaan.

Furadaha waxbarasho

Dhanka waxbarashada dadka waaweyn ee Tingsryd waxaa adigaaga dalka ku cusub aad ka baran kartaa Iswiidhishka loogu talogalay ajnebiga (sfi ) oo ah meel fiican. Fasal kasta waxaa jooga tiro arday ah oo xadeysan, tani micnaheedu waa in macalimiintu wakhti dheeraad ah u hayaan ardaydooda. Sanad walba waxaa iskoolkan lagu diyaariya maalin caalami ah, ujeedadu waa in la soo bandhigo dhaqamada oo dhan. Dhanka waxbarashada dadka waaweyn waxaa kale oo aad ku baran kartaa Ingiriisi, xisaab, fisiik, kimistari ama barnaamijka daryeelka caafimaadka iyo xanaanada.

Haddii aad dooneeyso in aad waxbarasho jaamacad sii wadid waxaad dhigan kartaa Jaamacada-Linne ee ku taalo Växjö/Kalmar ama Jaamacada Farsamaha ee Blekinge.

Caafimaadka

Degmada Tingsryd waxaa ku taalo labo rug caafimaad, hal gudaha Tingsryd, halna gudaha Ryd. Tingsryd waxaa ku taalo rug caafimaad oo dhawaan la dhisay oo kula kulmi karto dhakhtar, ama dhakhar-ilko, umuliso ama kalkaaliso. Adiga ayaa dooran kartid haddii aad rabto in aad tago rugta caafimaadk gudah Ryd ama rugta caafimadka ku taalo Tingsryd. Haddii aad fursad uu laheeyn in tagto rugta caafimadka oo cudur awgiis, dhakhtar ama kalkaalisa ama umuliso ayaa markaas guriga kuugu imaan karto.

Caawinaad turjubaan

In badan ayaa la shaqeeynaa turjumaano, inta badan turjumaanda-telefoonka. Taasi mecnaheed waxeey tahay in uu yahay qof aadan aqoon, lehna sir xafidid. Waxaa aad ka waramto waxaa dhex joogaayaan lee inta ee khuseeyso.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-gobalka Kronoberg waxaad ka heli kartaa socdaalka uu socda iyo midka ka socdo degmada Tingsryd. Sido kale waxaa jiro basas tago Ronneby iyo Karlshamn. Si loo tago Kalmar, Malmö ama Stockholm waxaa jiro tareenka SJ.

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Tingsryd waa shaqo dhiibaha ugu weeyn. Sido kale waxaa jirto shaqo badan ee dhanka warshada sameeyna, laakin sido kalena shaqo dhanka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka iyo shaqo bulsho. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo shirkadooyin calaami ah oo caana ah sidii Nelson Garden, Hammarplast​, Börjes, Ryds Båt och Linders aluminiumbåtar​. Si aad uu hesho warbixin dheeraad ah ka fiirso bogga degmada shaqooyinkeena banaan.

Haddii aad tahay qof fikrado ganacsi wato oo aad dooneeyso in shirkad gaar ah furato, waxaan kuugu caawineeynaa in aad riyadaada dhaqan galisid.

Nin xiran qalabka dhegaha ka ilaaliya sanqarta xoogan kana shaqaynaya meel warshad ah. Ninka xagiisa dambe waxaa taala makiinad weyn.