Sunne

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Sunne oo ku taal gobolka Värmland waa meel qani ku ah nololdhaqameedka iyo dad soo dhaweynta.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13286

Cabirla dhulka

1448 kiilomitir oo laba jibaaran

"Wadnaha degmada Sunne, wada jir ayaan isku kaalmeynaa" waa hab bulshada Sunne sida shabakadda oo kale iskugu xireeysa, ayadoon la fiirineyn qofka meesha uu ka soo jeedo iyo qofka uu yahay. Ololoyaasha mutadawacnimada ah ayaa waxeey sababeen in degmada Sunne noqoto meel soo jiidasho leh isla markaasna dadka oo dhan eey siman yihiin.

Deegaan

Si uu qofka caafimaadkiisu u wanaagsanaado waa muhiim inuu helo guri uu ku faraxsan yahay. Meeshaan waxaa ka heli kartaa guryo nuucyo kala duwan isugu jiro oo aad kireysan kartid ama aad gadan kartid. Bogga internetka ee degmada Sunne waxaa ka heli kartaa warbixin dheeraada oo loogu tala galay dadka guryo raadiska ah.

Shirkadda ugu weyn ee dhinaca guryaha waa shirkadda eey degmada leedahay ee magaceedu yahay Sunne Bostads AB.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Sunne waxaa ka jira barashada luqadda hooyo oo ku baxa luqadaha iiraani/daari. Waxaa kaloo luqadahaas ka mid ah carabi, fiinlaandees, ruush iyo faransiis.

Luqadahaan soo socdo waxaa laga dhigaa iskoollada dowladda ee degmada, iskoollada laga barto waa laga soo bilaabo kuwa xanaanada carruurta illaa kuwa dadka waaweyn ee sfi: Albeeniyaan, carabi, daanish, daari, ingiriis, filibiinees, fiinlaandees, faransiis, holandees, shiinees, kurdish, leetlaandees, lituwaanees, lahjad shiinees, noorweejiyaan, baashtuu, iiraani, af-burtuqiis, roomaaniyaan, ruush, af-soomaali, isbaanish, turkish, jarmal iyo sood afrikaanees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Sunne waxaa ka dhisan jaaliyado gaaraya 120 oo nuuc walba leh. Liiska jaaliyadaha ee degmada Sunne boggeeda internetka ayaa ka heli kartaa.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Sunne waxaa ku yaal goobta soo dhaweynta, maktabad, xafiiska bulshada u qaabilsan daryeelka qoyska iyo qofka, goob suuq oo kale ah, farmashiiye, shaleemo, kaniisad, garoon banooni, garoon isboortis, garoon baraf, garoon ciyaaraha guud, garoomo teenis, meelo lagu aalamiiteeyo, garoon ciyaata golofta, meelaha jir jimicsiga, meel jirka lagu masaajeeyo, biibitooyin, makhaayado, tima jare iyo ku dhowaad shagaashan dukaamo.

Dukaamada Hamsterboa och Juvelen waxeey gadaan alaabta iyo dharka gacan labaadka oo rakhiis ah.

Sunne waxaa ka dhisan 850 shirkadood iyo jaaliyo meherado kala duwan abaabula oo gaaraya 120.

Sunne waxaa sanad walba imaada dad badan oo usoo dalxiis tago waxaana ku yaal Hoteello 100 meel oo la seexdo leh. Degmada Sunne waxaa ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska waxuu ku yaal Karlstad waxuuna kaa caawinaa su'aalahaada ku saabsan ceymiska, howlgabnimada iyo cashuuraha.

Dalyeelka carruurta

Sunne waxaa ku yaal 13 xanaano carruureed iyo guryaha xanaano maalmeed ee loogu tala galay carruurta jirta 1-5 snao ( ama inta uu cunuga ka billaabayo dugsiga xanaanada carruurta ama iskoolka). Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiyada xanaanada carruurta ka akhriso degmada boggeeda internetka.

Xarunta qoyska är waa goob eey isugu imaadaan waalidiinta carruurta yaryar oo eey da'doodu tahay 0-6 sano heysto. Waxaa xarunta iska kaashada xarunta daryeelka hooyada, xarunta daryeelka dhallaanka, xanaanada furan iyo xafiiska bulshada. Iskoollada furan iyo biibitada carruurta xataa waa la siinayaa kuwa waalidiinta u baahan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Sunne waxaa ku yaal 9 iskool oo kala ah dugsiga xanaanada carruurta, dugsi hoosedhexe, två dugsi sare och iyo farsamada gacanta oo qeybo kala duwan leh. Iskoollada dowladda marka laga reebo waxaa ku yaal dugsiga hoosedhexe iyo dugsi sare oo dhinaca farsamada ah.

Dugsiyada sare ee Sunne waxaa lakala dhahaa Sunne Gymnasieskola Broby iyo Sunne Gymnasieskola Södra Viken.

Furadaha waxbarasho

Qof kasta waxuu xaq ugu leeyahay waxbarashada sida qofka iswiidhishka ah oo kale. Xuquuq dhinaca waxbarashada heerarka kala duwan leh ayeey leeyihiin carruurta ama dhalinyarada sharci raadiska ah iyo kuwa waalidiin la'aan wadanka soo galay ama kuwa qarsoodiga ku joogo wadanka.

Waxbarasho dadka waaweyn loogu tala galay oo nuucyo kala duwan leh ayaa laga bixiyaa xarunta LärCenter waxaana dadka laga kaalmeeyaa sidii eey u dooran lahaayeen waxbarasho ku habboon iyo hadeey waxbarashada ka dhiganayaan isla degmada ama degmo kale. Sunne waxaa kaloo ku yaal machadka farsamo.

Degmada Sunne waxaa markasta la bilaabaa koorsooyin dhinaca luqadda iswiidhishka ah oo loogu tala galay dadka qaxootiga sfi. Qofka marka lasiiyo tobanka lambar ee caddaysa dhalashada qofka waxuu hore ka bilaabaa sfi. Waxeey ardayda raacaan qaanuun waxbarasho oo eey wasaarada waxbarashada dajisay. 15 sacadood isbuucii ayaa luqadda iswiidhishka labaraa waxuuna socdaa laga bilaabo bisha agoosto illaa dhamaadka bisha juun. Ardayda kasta waxuu raacaa qorsho waxbarasho oo isaga ku habboon.

Waxyaabaha eey bartaan ardayda waxaa kamid ah bulshada iswiidhishka sida eey u shaqeeyso marka tusaale ahaan laga hadlaayo ceymiska waalidka, nidaamyada iskoollada, caafimaadka iyo waxbarashada. Waxaa jira jaanis aad ku baran kartid luqadda loogu tala galay waxa aad rabtid inaad mustaqbalka ka shaqeeysid sida luqadda iswiidhishka ee looga hadlo goobaha caafimaadka.

Caafimaadka

Sunne waxaa ku yaal rug caafimaad oo leh rugta daryeelka hooyada, rugta daryeelka dhallaanka iyo xarunta qoyska.

Sunne waxaa ku yaal dhakhtarka ilkaha. Waxaa kaloo ku yaal daryeelka ilkaha ee dadweynaha iyo xarumo kale oo daryeelka ilkaha oo kuwa gaarka loo leeyahay ah sida dhakhtarka ilkaha Hilmer Samuelsson iyo Tandhälsan i Sunne.

Caawinaad turjubaan

Waxaan isticmaalnaa turjubaan markasta oo lala kulmayo xafiisyada ama xarumaha dowladda, sida iskoollada meesha eey ku yaallaan, marka la sheegayo natiijada imtixaanka iyo waxbarashada kale. Turjubaan dhinaca taleefanka ah ayaan isticmaalnaa. Ardayda luqadda aaney aheen luqadooda hooyo waxaa loo sameeyaa qorsho waxbarasho oo luqadoda hooyo ku qoran.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidyada tareenka, baska iyo baabuurka kulligood si dhaqsi ah ayey kuu geynayaan degmada Sunne (wadada 45 ee yurub ayaa marta Sunne). Gobolka Värmland qeybta taraafika boggooda internetka waxaa ka heli kartaa jadwallada eey ku qoran yihiin wakhtiyada eey baxaan tareennada iyo basaska. Haddii aad aduunka kale usii gudbeysid waxaad jadwalka wakhtiyada ka heleysaa SJ boggooda internetka. Shirkadda Swebus waxeey basaskeedu ukala safraan magaalooyinka Karlstad, Stockholm, Oslo iyo Köpenhamn. Waxeey xataa sii aadaan wadamada Jarmalka iyo Holand.

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Qiyaastii 950 qof ayaa u soo safra Sunne si ay uga shaqeeyaan maalin walba. Qiyaastii 1500 qofood waxeey shaqo u aadaan degmooyin kale, badankood waxeey u safraan Karlstad oo ah magaalada weyn ee ugu dhow taas oo 50 daqiiqo u jirta in loo safro dhanka tareenka. Shaqo-bixiyayaal waaweyn ayaa laga helaa Karlstad: Degmada Karlstads, Gobolka Värmland, jaamicada Karlstads, Metso, Konsum Värmland, Tieto, Boosta, Nobina Sverige, Hey'adda Canshuuraha, Telia Sonera, shirkada daryeelka dadka waayeelka Carema. Shaqo bixiyayaasha weyn ee laga helo Torsby waa: Isbitaalka Torsby sjukhus. Shaqo bixiyayaasha waweyn ee ku yaala Arvika: isbitaalka Arvika, Arvika Bostads AB, Arvika Montage AB, Arvika Smide, Arvikafabriken, Moelven Edanesågen, Industrisupport. Degmooyinka u dhow waa Kil iyo Munkfors.