Nässjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Si fiican ugu soo dhawaw degmad Nässjö oo ku taala dhulka sare ee Småland. Nässjö waxaa degan 17 000 oo qof. Anneberg, Bodafors, Malmbäck iyo Forserum ayaa ah waa degaama la dego.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

31546

Cabirla dhulka

988 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmadeena waxaa lagu yaqaanaa jawi shirkadeed iyo urureed oo taajir ka ah. Halkaan waxaa lee dahay magaalo iyo baadiyo. Dadka dhan wax loogu tala galay ayaa jiro.

Deegaan

Maamulaha guriyaha laga kireeysto Nässjö, waxaa ugu weeyn shirkada degmada lee dahay ee Linden. Linden waxeey lee dahay ku dhawaad 1 750 oo guri ee gudaha degmada Nässjö. Si guri looga kireeysto Linden waa la in la istaago safkooda guriyeed ee gaarka ah.

Waxii sii dheer oo jiro sodomeeyo shirkade guri kala duwan oo madaxbanaan, guriyaal ku yaalo gudaha degmada Nässjö maamulo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Sanadooyin badan gudahood dad badan oo cusub ayaa doortay in ee uu guuraan degmada Nässjö. Sidaas darteed degmadeena waxaa ka jiro jinsi iyo luuqado kala duwan. Luuqada ugu weeyn oo degmada looga hadlo waa iswiidhish, ingriis, carabi, soomaali iyo looqadaha yuugoslaafiyo sdii af bossniya iyo af seerbiya oo kale.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Nässjö waxeey taajir ka tahay jawi urureed ayadoo leh ku dhawaad 300 urur oo firfircoon. Halkaan waxaa ka jiro laga bilaabaa ururo isboorti ilaa kuwo kala duwan oo urur dimeed iyo ururo dhaqameed.

Ururo badan ayaa soo bandhigo meelo lagu kulmo oo leh kaafeteeriyo luuqadeed, caawinaad layli iyo warbixin bulsho. In jawi urureed laga howlo galo waa hab fiican oo Iswiidhan lagu barto iyo asxaab cusub.

Maxaa ka ag dhaw

Dhexbartanka Nässjö ee Rådshusgatan 20, waxaa ka heleeysaa guriga dadweeynaha oo ku yaalo xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska degmada ee dadweeynaha, xafiiska safarada iyo qeeybta is dhexgalka iyo jiheeynta.

Maktabadooyin badan ayaa ku yaalo hareeraha degmada Nässjö. Maktabada magalaada ee Nässjö waxeey ku taalo bartamaha Nässjö.

Dukaamo badan oo gacan labaad ah waa ku yaalaan Nässjö. Halkaan waxaa laga heli karaa alaab guri iyo maacuun rakhiis ah. Bartamaha Nässjö waxaa laga heli karaa dukaamo badan iyo maqaayado. Halkaas waxaa usii dheer goob-ganacsi oo leh dukaamo sidii RUSTA iyo ÖoB iyo dukaamada qalabka dhismaha. Haddii la rabo in IKEA laga adeegto waxaa laga sameeyn kara taasi gobalka magaaladiisa dhexe ee Jönköping.

Dalyeelka carruurta

Degmada Nässjö waa ku taalo xanaano loogu tala galay caruurta da'ooda ka bilaabaato 1 ilaa 5 sano. Si aad uu hesho warbixinta hadda joogto iyo codsi boos xanaanadeed, booqo bogga degmada ama booqo guriga dadweeynaha.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Nässjö waxaa ku taalo dhowr dugsi hoose-dhexe laga bilaabaa fasalka eberaadaka till fasalka sagaalaadka iyo dugsi gaar ah.

Dugsiga sare waxuu haya soo bandhigid balaaran ee barnaamijyo akhris ah, kuwo shaqo ku jiheeeysan iyo kuwo si gaar ah loo habeeyay.

Furadaha waxbarasho

Degmada Nässjö waxaa laga hela furso waxbarasho oo badan, oo hadana kala duwan. Halkaan waxaa ka jiro waxbarashada iswiidhiska loogu talay soo galooytiga cusub, waxbarasho dad waa weeyn ee kala duwan, waxbarshada dugsi sare ee dad waa weeyn iyo waxbarashada sare ee xirfad shaqo. Si aad uu hesho jiheeyn iyo tageero ku saabsan su'aalo waxbarasho, waxaad uu tagi kartaa qeeybta degmada ee is dhexgalka iyo jiheeynta.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Degmada Nässjö waxeey lee dahay dhowr rug caafimaad oo kala duwan.

Isbitaalka noogu dhaw waa Isbitaalka-Högland oo ku yaalo Eksjö.

Sido kale Nässjö waxaa ku yaalo xarun-reereed oo la shaqeeyso caruurto iyo reerka. Xarunta-reerka waxeey kala wada howsha rugta caafimaadka hooyooyinka iyo caruurta, qaabilaada dhalinyarta iyo dugsi xanaano oo furan. Halkaani waa ku soo dhaw yihiin caruurta iyo waalidiinta dhamaantooda.

Caawinaad turjubaan

Markii aad xariir la yeelaneeyso hey'addaha dowlada markasto waxa jirto fursad lagu helo caawinaad turjumaan.

Xiriirka gaadiidka

Nässjö waa guntin tareemeed oo tareemo badan ayaa magaaladeea maro. Tareenka dhaqsada badan oo socdo Stockholm iyo Köpenhamn waxuu qaataa 2-3 saacaadood. Tareenka uu socdo Jönköping waxuu socdaa nusaacii hal mar, waxuuna lagu tagaa sodon daqiiqo.

Waxaa degamda Nässjö ka jiro basas xafadeed.

JLT
SJ

Shaqo iyo ganacsi

Degmada, xafiisyadeeda maamuleed ee kala duwan ayaa ah shaqo dhiibaha ugu weeyn Nässjö. Waxaa jiro shirkada yar iyo weeyn - gudaha degmada iyo masaafad tareen lagu tagi karo.

In kale ka akhriso bogga shirkadaha degmada halkaasi ee ku jirto warbixin ku saabsan shirkad furasho iyo tilmaan shirkadeey iyo jawiga shirkadeed ee degmada Nässjö.