Fagersta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Fagersta waa sahlan tahay in lagu noolaado. Degmada waxeey lee dahay amaan, wada shaqeeyn iyo aaminaad-mustaqbaleed. Waxeey uu dhaw dahay dabiicada iyo dhaqanka. Waqti fiican ayaa loogu hayaa dadka Fagersta dhamaantood. Isdhex galka waa qeeyb caadi ah oo ka mid ah dhisada bulshada Fagersta.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13342

Cabirla dhulka

310 kiilomitir oo laba jibaaran

Qoraxda oo sii dhacaysa xilli jiilaal ah iyo xaafad guryo ah.

Deegaan

Fagersta waxeey lee dahay guriyaal la kireeysto ee degmada lee dahay iyo kuwo madaxbanaan. Sido kale waxaa jiro ururo badan ee milkiyada guriga. Waxaad warbixin dheerad oo ku saabsan degaan ka heleeysaa bogga degmada.

Xaafad filooyin ah oo cagaaran.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-luuqadeedka ugu weeyn ee degmada Fagersta waa afka finland, af carabi iyo af soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Fagersta waxeey lee dahay ururo badan oo kala duwan ee dhanka jimicsiga, hawlaha dibada iyo dhaqameedka. Tusaale ahaan waxaa jiro ururuka Islaamiga, ururka boolaandeeyska Örnnästet iyo ururka soomaalida Fagersta. Bogga degmada waxaad ka heleeysaa diiwaan ee ku jiraan ururada dhamaantood.

Nin gaadiid ku dul wata haro biyo ah.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaamo badan ayaa ku yaalo Fagersta halkaasi oo ka adeegan karto cunto iyo wax yaalo kale sidii maacunta oo kale. Waxaa ku yaalo dukaamo dhar, goob baabuur lagu gado, dukaan nal iyo in kale oo aad uu baahan karto. Waxaa jiro dukaamo alaab gacan labaad leh oo aad sicir yar ku heli karto. Maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska bulshada, qasnada ceeymiska iyo xafiiska canshuuraha kuligood si sahlan ayaa lagu heli karaa. Bogga degmada waxaa laga raadin karaa shirkado kala duwan.

Dhul doog qoyan ah oo duur ku hareersanyahay. Alwaaxyo dheer oo lagu socdo ayaa dhex maraya dhulklan dooga ee qoyan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Fagersta oo dhan waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano oo badan. Waxaa ku yaalo dugsi xanaano oo furan afar iyo laabatan saac. Warbixin dheer ah oo ku saabsan dugsiyadeena xanaaneed oo dhan waxeey ku jirtaa bogga degmada. Sido kale waxaa jirto xarun-reer oo kooxax-reereed leh iyo goob kulan oo loogu tala galay qofka leh caruur uu dhaxeeyso 0 ilaa 1 sano. Bogga degmada ayaa ka heleeysaa warbixin dheeraad oo ku saabsan hoowlahaas.

Sido kale waxaa jiro dugsi xanaanad oo furan, kana mad ah hoowsha kaniisada. Bogga ururka diimeed ee Västanfors Västervåla ayaa ka heleysaa warbixin dheerad oo taasi ku saabsan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxaa ku taalo 4 dugsiyaal hoose. Bogga degmada ayaa ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo taasi ku saabsan. Sido kale waxaa jiro dugsi hoose oo gaar ah, looguna tala galay caruurta leh baahi gaar ah, warbixin dheeraad ah oo taasi ku saabsan waxaad ka heleeysaa bogga degmada.

Degmada Fagersta waxaa ku yaalo hal dugsi sare. Waxeey sido kale hayaan waxbarashada iswiidhishka loogu tala galay soo galooytiga, sfi. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga sare iyo warbarashada-sfi waxaad ka heleeysaa bogga degmada.

Furadaha waxbarasho

Dugsiga sare waxeey hayaan waxbarasho dhanka iswiidhishka soo galooytiga, sfi. Sido kale halkaas waxaa ka jiro waxbarashada dadka waa weeyn, waxeeyna la wada shaqeeyaan jaamacado kala duwan. Jaamacad kuma dhex taalo Fagersta. Wadashaqeeyn fiican ayaa ka dhex jirto shirkadaha meesha iyo dugsiga.

Caafimaadka

Degmadan waxaa laga helaa isbitaal qayb ahaan loo leeyahay si baraayfad ah. Daryeelkan caafimaadka waxaa lagu maamulaa iyadoo wada shaqayn lala leeyahay isbitaalada Västerås iyo Köping. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Gobolka Västmanland iyo isbitaalka Bergslagssjukhuset Mitt Hjärta waxaad ka helaysaa boggagoda intarnatka.

Caawinaad turjubaan

Haddii loo baahdo turjumaan markii lala xariiraayo degmada, taasi markaas degmada ayaa habeeyneeyso.

Xiriirka gaadiidka

Waxeey uu dhawdahay Västerås, Stockholm iyo meelo kale oo muhiim ah. Waa jiran bas iyo tareenba dhaqso kuu geeynaayo meesha aad dooneeyso. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan tareenka iyo baska Västmanland, waxaad ka heleeysaa bogga Västmanlands Lokaltrafik, waxii safar-tareen ku saabsana Tågkompaniet iyo SJ.

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Fagersta waxaan dooneeynaa in intii macquul ah kala wataan shirkad gaar ah, taasna si fiirfircooni leh ayaan uga shaqeeynaa. Websidka degmada waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qofka doonaya in uu furto shikad.