Surahammar

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Surahammar waxeey ku taal bartamaha gobolka Mälardalen, 10 daqiiqo ayeey waxey ujirtaa magaalada Västerås. Guryo fiican iyo hawo nadiif ah ayaa waxeey degmada ka dhigeysaa meel uu qof kasta rabo inuu usoo guuro. Degmada waxaa iskoollo iyo xarumaha daryeelka carruurta oo eey tayadoodu sarreeyso.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10096

Cabirla dhulka

369 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Surahammar waxaa ku yaal shirkado badan oo kireeya guryaha. Waxaa jira shirkado baraayfat ah iyo shirkadda guryaha degmada ee Surahammarshus AB. Liis dheer oo eey ku qoranyihiin shirkadaha guryaha kireeya waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Qoys ku socda jid cadde. Guri guduud ah oo ku dhinac yaala jidka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha waaweyn ee loogu hadlo degmada Surahammar, iswiidhishka marka laga reebo waa fiinlaandees, carabi, tigree, soomaali, daari, iiraani iyo af-ruush.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Surahammar waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan iyo Pingstkyrkan. Masaajidka ugu dhow waxuu ku yaal Västerås. Västerås waxaa ku yaal kaniisada katoolikada iyo kaniisada xag jirka ah.

Waxaa degmada ka jiro jaaliyado badan oo firfircoon. Waxaad ciwaanadooda ka heleysaa liiska jaaliyadaha ee degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Surahammar waxaa ku yaal dukaamo badan, dukaamada cuntada, biibitooyin, makhaayado. Waxaa ku yaal dukaamo gacan labaad oo aad ka gadan kartid alaabta guryaha iyo maacuun qiimahoodu jaban yahay.

Maktabadda waxeey ku taal bartamaha waxaana ka heleysaa buugaag iyo joornaallo luqado kala duwan ku qoran. Maktabada waxaa yaal kombuyuutarro aad isticmaali kartid. Guriga ummada waxuu isku dhismo ku yaal shaleemada waxeeyna soo bandhigaan xaflado iyo tiyaatarro.

Hadaad rabtid inaad jirkaada dhistid waxaa kuu diyaara jaaliyado ku howlan isboortiska kala duwan, bartamaha degmadana waxaa ku yaal meel lagu dabbaasho, garoon kubadda cagta, meelaha fardahha lagu tartansiiyo iyo garoomada barafka.

Xafiiska shaqada waxuu xafiis ku leeyahay Surahammar. Xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska dowladda waxeey xarumahooda ku yaallaan magaalada Västerås oo 20 kiiloo mitir u jirta Surahammar.

Hey'adda is dhexgalka dadka warbixintooda waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Doon dhex maraysa gacan biyo ah.

Dalyeelka carruurta

Degmada Surahammar waxaa ku yaal iskoollada xanaanada carruurta oo badan, hal kamid ah iskoolladaas waa baraayfat. Haddii aad u baahan tahay daryeelka carruurta waa inaad si raadsataa afar bilood ka hor intaanan billaabin. Warbixin ku saabsan iskoollada xanaanada carruurta, sida loola xiriiro iyo warqadaha la buuxsado waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Waxaa kaloo ku yaal xanaanada furan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Iskoollahoosedhexe waxeey ku yaallaan degmada xaafadaheeda qaar ka mid ah sida, Surahammar, Ramnäs iyo Virsbo. Iskoollada eey carruurta yaryar dhigtaan waxaa ka dhaxeeysa wada shaqeeyn eey iska kaashadaan iskoolka hoosedhexe, xanaanada carruurta iyo dugsiga xilli firaaqaha.

Degmada Surahammar waxeey heshiis dhinaca dugsiga sare ah la leedahay Västerås, taas waxeey ka dhigantahay in ardayda degan degmada Surahammar eey leeyihiin fursado la mid ah kuwa eey heystaan ardayda degan Västerås, waxeeyna dalban karaan barnaamij waxbarashadeedka eey rabaan. Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiga sare ka akhri meeshaan

Furadaha waxbarasho

Degmada Surahammar waxeey kuu heysaa barista sida eey bulshada u shaqeeyso oo loogu tala galay dadka wadanka ku cusub, dhirirka waxbarashada waa 60 saac. Warbixin dheeraada la xiriir Hey'adda is dhexgalka dadka.

Hey'adda is dhexgalka dadka waxeey dadka cusub ku xirtaa xarumaha waxbarashada dadka waaweyn ee sfi iyo vuxenutbildning. Degmada Surahammar waxeey heshiis dhinaca waxbarashada dadka waaweyn la leedahay Västerås, taas waxeey ka dhigantahay in dadka degan degmada Surahammar eey xaq uleeyihiin waxbarashada taal magaalada Västerås.

Caafimaadka

Degmada Surahammar waxeey leedahay rugta caafimaadka oo eey ku yaallaan rug daryeelka carruurta iyo hooyada ah. Waxeey kaloo leedahay rugta daryeelka ilkaha iyo meel lagu daaweeyo ilkaha oo baraafat ah. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal magaalada Västerås.

Västerås xarumo loogu tala galay ineey dadka wadanka ku cusub eey caafimaadkooda isaga baaraan waxaana la dhahaa Integrations-och asylhälsan.

Caawinaad turjubaan

Shaqaalaha degmada Surahammar waxeey kuu qabanayaan turjubaan ka socda Västmanlands Tolkservice markaad u baahan tahay.

Xiriirka gaadiidka

Weey fududahay inaad ka safarto una soo safarto degmada Surahammar. Tareen isteeshinka waxuu ku yaal meel aan aad ugu fogeyn bartamaha magaalada.

Tareenka Bergslagspendeln waxuu ku geeynayaa Västerås iyo Stockholm. Maalmaha fasaxa ah waxaa jira tareen toos u aada magaalada Stockholm.

Västerås waxaad u raaci kartaa baska VL-buss, baska Brukslinjen waxuu lacag la'aan kugu geynayaa degmada oo dhan iyo degmada Hallstahammar.

Jadwalka wakhtiga waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Shaqo iyo ganacsi

Waxuu ganacsi fiican ka jiraa degmooyinka dariska ah oo masaafadoodu eeysan dheereyn sida Västerås, Hallstahammar, Fagersta iyo Köping.