Upplands-Bro

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Upplands-Bro waa degmo koraysa markay noqoto tirada dadka deggan iyo shirkadaha cusub lehna qiyaastii 28 000 oo qof. Halkan waxaa ku yaala laba magaalo oo muhiim ah, Kungsängen iyo Bro iyo baadiye.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

29475

Cabirla dhulka

325 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmadan waxay ku ag taala Mälaren, qiyaastii laba miil ayay waqooyi galbeed ka xigtaa Stockholm oo tareenku wuxuu qaataa qiyaastii 25 daqiiqo inuu ku gaaro bartamaha Stockholm.

Xarunta degmada Upplands-Bro ee dhagaxa bulukeetiga ka sameysan oo leh calaamadda degmada.

Deegaan

Degmada Upplands-Bro waxaa ka jira dhowr guri-kireeyayaal kala duwan ah. Shirkada guryaha ee degmadu leedahay magaceedu waa Upplands-Brohus oo boggooda intarnatka ayaad ka akhrin kartaa guryaha banaan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha lagaga hadlo Upplands-Bro waxaa ka mid ah Fiinishka, Carabida, Soomaaliga, Faarsiga, Daari, Tigriinya, Sawaaxili iyo qaar kale.

Jaaliyado iyo ururu

Ururo badan oo kala duwan ayaa ka jira Upplands-Bro oo ay ka mid yihiin ururada isboortiga iyo horumarinta hawlaha banaanka lagu qabto. Diiwaanka ururada ayaad adigu laf ahaantaada ka raadin kartaa ururada dhinaca waxyaabaha aad xiisaynayso.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Upplands-Bro waxay ku dhinac taalaa xeebta Mälaren oo waxay leedahay dhowr xeebood. Waxaa kale oo jira aagag dabiici ah oo qurxoon halkaas oo aad ku tamashlayn karto kana arki karto waxyaabo taariikhi ah. Waxaa ka jira meelo isboorti, hoolka dabaasha, hoyga dhaqanka, maktabad, hoolka farshaxanka iyo waxyaabo badan oo kale. Bogga intarnatka ee degmada ayaad ka akhrin kartaa wixi dheeraad ah ee ku saabsan hawlaha kala duwan ee laga qaban-qaabiyo.

Caruur faraxsan oo jooga maalin xagaa ah. Dhowr qof oo ku dabaalanaya looxa dhinaciisa.

Dalyeelka carruurta

Degmadan waxay leedahay hawlo waxbarasho sida dugsiga xanaanada iyo hoyga maalintii ee qoyska looguna talogalay caruurta u dhaxaysa 1 ilaa 5 sano. Waxaa jira dugsiyo xanaano oo degmadu leedahay iyo kuwa madax-banaan labadaba iyo xanaanada waxbarida.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmadan waxay bixisaa dugsi hoose-dhexe ilaa iyo fasalka 9-aad. Waxaa ka jira dugsiyo degmadu leedahay iyo kuwa madax-banaan labadaba. Dhanka dhalinyarada ah da'da dugsiga sare waxaa jira Upplands-Brogymnasiet oo leh barnaamijyo iyo jihooyin kala duwan.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Caafimaadka

Gudaha degmadan waxaad ka heli kartaa qaabab daryeel caafimaad dhowr ah oo kala duwan. Halkan waxaa ka jira ruggag caafimaad looguna talogalay arrimaha guud iyo caafimaadka caruurta, caafimaadka hooyada iyo daryeelka ilkaha. Gobolka Stockholm boggiisa intarnatka waxaad ka helaysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad la xiriiri karto dhanka arrimaha caafimaadka ee kala duwan.

Caawinaad turjubaan

Dhamaan dadka deggan Upplands-Bro waxay xaq u leeyihiin caawimaada turjubaan markay xiriir la yeelanayaan degmadan. Haddii adigaaga deggan aad doonaysid caawimaada turjubaan waa inaad la xiriirtaa shaqaalaha ku qaabilsan ama la xiriirtaa Xarunta xiriirka si aad u hesho caawimaadan.

Xiriirka gaadiidka

Degmadan waxay leedahay gaadiidka dadweynaha. Macluumaadka ku saabsan jadwalyada iyo qaababka kala duwan ee loo safro waxaad ka helaysaa bogga intarnatka ee SL.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha degmadan ama masaafo loo safri karo waxaa laga helayaa shaqo-bixiyayaal waaweyn iyo kuwa yar yar labadaba. Degmada boggeeda intarnatka waxaa ku jira macluumaad loogu talogalay adigaaga xiisaynaya inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah. Halkaas ayaa lagu soo bandhigay xitaa fursadaha shaqo ee degmadu shaqo-bixiye ahaan iminka bixinayso.