Norrtälje

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Norrtälje waxeey ku taal qalbiga Roslagen. Waxaad ka heleysaa jawi macaan iyo jaziirado yaryar. Degmada Norrtälje waxaa ku yaal 11 000 oo jaziirado, waxaa degan 57 000 oo qofood. Waqtiga xagaaga dadka degmada waxeey gaaraan laba jibbaar.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

62830

Cabirla dhulka

6030 kiilomitir oo laba jibaaran

Dekedda oo leh doonta jardiinada xeebta iyo dhisme qadiimi ah oo xagga dambe ka muuqda.

Degmada Norrtälje waxeey hal saac u jirtaa Stockholm waxeey kaloo u dhowdahay Uppsala iyo Arlanda. Degmadeennu waxaad ka heleysaa fursado badan, kobcid iyo mustaqbal wanaagsan.

Deegaan

Degmada Norrtälje waxaa ku yaal shirkado dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay. Shirkadda degmada ee Roslagsbostäder AB waa shirkadda ugu weeyn waxeeyna guryo ku leedahay xaafado kala duwan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Norrtälje waxaa looga hadlaa luqado badan oo kala duwan, sababtana waxeey tahay in degmada muddo dheer qaabili jirtay dadka qaxootiga ah. Qaar kamid ah luqadaha looga hadlo waa carabi, tigree, af-soomaali iyo daari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Norrtälje waxaa ka jira jaaliyado kor u dhaafaya 200 waana kuwo meherado kala duwan ku howlan aadna u firfircoon. Liiska jaaliyadaha ee degmada waxaad ka heleysaa warbixinno ku saabsan jaaliyadahaas iyo sida loola xiriiro.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Norrtälje waxaa ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska dowladda, hey'adda dadka howl gabka ah iyo xafiiska cashuuraha, xafiisyadoodu waxeey ku yaallaan isku hal dhismo. Waxaa kaloo ku yaal dukaamo cunto, farmashiiye, biibitooyin, makhaayado, shaleemooyin iyo dukaamo kaloo kala duwan.

Jidka dadku maraan oo leh dukaamo iyo maqaaxiyo cunto oo ah dhismayaal qadiimi ah. Dad ah da’yo kala duwan ayaa lagu arkaa jidkan.

Degmada waxeey leedahay toban maktabadood, xaafadaha Norrtälje, Rimbo iyo Hallstavik waxaa ku yaal meelo lagu dabbaasho.

Haddaad wadanka ku cusubtahay isla markaana heeysatid su'aalo aad dooneysid in lagaaga jawaabo waxaad weeydiin kartaa xafiiska qaabilaada qaxootiga ee degmada Norrtälje.

Muuqaalka bartamaha magaalada lehna dhismayaal qadiimi ah iyo qaar cusub oo Norrtäljeån ka muuqato xagga hore.

Dalyeelka carruurta

Howlaha la xiriira iskoollada xanaanada carruurta ee degmada Norrtälje waxaana loogu tala galay carruurta eey da'doodu tahay 0-5 sano. Howlaha xanaanada waxeey isugu jiraan qeybo kala duwan sida iskoollo lagu xanaaneeyo iyo xarumo xanaano oo u furan carruurta iyo waalidiintooda. Degmadeena waxaa ku yaal 66 iskoollada xanaanada carruurta ah. Waxaa ku yaal xanaano carruureed xaafad kasta oo degmada ka mid ah.

Waxaa kaloo heynaa xarumo xanaanooyinka furan ah oo loogu tala galay qoysaska heysta carruurta da'doodu tahay 0-6 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoosedhexe waxaa dhigta carruurta da'doodu tahay 6-16 sano. Dugsiga hoosedhexe waxaa kaloo soo raaca dugsiga xilli firaaqaha iyo beerta xilli firaaqaha. Degmadeenu waxeey leedahay 35 dugsi hoosedhexe ah waxeeyna ku yaallaan xaafadaha degmada oo dhan.

Iskoollada Lommarskolan, Roslagsskolan, Långsjöskolan iyo Rodengymnasiet waxaan carruurta iyo dhalinyarada wadanka Iswiidhan ku cusub ugu diyaarinay hordhac dhinaca luqadda ah.

Degmada waxaa ku yaal afar dugsi sare.

Furadaha waxbarasho

Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee degmada Norrtälje waxaad ka baran kartaa luqadda iswiidhishka iyo bulshada iswiidhan sida eey u shaqeeyso. Degmada Norrtälje waxaad ka kuugu diyaara waxbarashada dadka waaweyn oo aad ka baran kartid NKV iyo Campus Roslagen.

Caafimaadka

Degmada Norrtälje waxaa ku raal rug caafimaad, rugta daryeelka carruurta iyo isbitaal loogu tala galay emerjensiga.

Waxaa kaloo ku yaal xarumo badan ilkaha qaabilsan waxeyna ku yaallaan degmada qeeybaheeda kala duwan.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey qofkii ubaahan u diyaarineysaa turjubaan marka lala kulmayo xafiisyada dowladda. Hore ayaad usii sheegeysaa inaad turjubaan u baahantahay.

Xiriirka gaadiidka

Norrtälje waa degmo dhul weeyn ku fadhiso, udhawaanshaha eey u dhowdahay magaalooyinka Stockholm iyo Uppsala waxeey sababtay in dad badan ka safraan una soo safraan degmada. Waxaa jira bas marar badan maalintii ukala goosho Norrtälje iyo Stockholm waxaana safarka gudihiis isticmaali kartaa internet bilaash ah. Waxaa kaloo jira bas marar badan maalintii ukala goosho degmooyinka Norrtälje, Rimbo och Hallstavik och till Uppsala och Arlanda.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn degmada waa shirkada caafimaadka ee Tiohundra iyo degmada Norrtälje oo eey dad badan u shaqeeyaan.