Avesta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Avesta waxeey ku taala markii la raaco wabiga-Dala ee koonfurta Dalarna, waxeeyna uu dhawdahay dabiicada iyo magalooyinka sii weeyn. Dadaalka loo sameeynaayo caruurta iyo dhalinyarada waa badanyihiin.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

23295

Cabirla dhulka

669 kiilomitir oo laba jibaaran

Avesta waxaa ku taalo Verket/Avesta, oo ka mid ah xarunta sawirka caruurta ee Dalarna. Jardiinada isboortiga waa goob isboorti oo lagu tago si lama filan ah, waxeeyn ku xiran tahay Metropooloen Avesta oo ah guriga dabaasha reeerka ee wanaagsan, qeeybaha degmada banankoodna waxaa ku yaalo goobo isboorti oo ka yar taasi oo si lama filaan ah lagu tagi karo.

Deegaan

Degmada Avesta waxeey lee dahay guriyaal badan oo kala duwan. Waxaad ka heli kartaa guriyaal la kireeysto, guri milkiyeed, guri filo ah iyo beero yar. Bogga degmada waxaad ka heleeysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan hababka degaameed ee kala duwan iyo warbixinta xariirka ee guri kireeyaasha iyo dalaalka guriyaasha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-Luuqadeedka ugu badan waa af carabi, af tigrinya iyo afka iraan/af daari. Sido kalena af fransiis, af kurdi, af ugriigi, af ruush, afka thayland iyo af soomaali ee dad badan oo degmad joogo ku hadlaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxeey taajir ka tahay soo bandhigi ururyada. Waxaad ka wada heleeysaa diiwaanka degmada. Munasabadooyinka ugu badan ee degmada ka dhaco waxaa lagu soo dhajiyaa jedwalka-munaasabadooyinka.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxeey lee dahay soo bandhig weeyn ee dukaameed, maktabad oo leh laamo badan iyo xafiiska isdhex galka oo xafiis ku leh gudaha maktabada Avesta. Qasnada ceeymiska, xafiiska shaqada iyo xafiiska canshuuraha waxeey lee yiihin xafiis wadajir ah. Waxaa jiro hoowlo qaabilaad oo gaar ah oo loogu tala galay dadka degmada goor dhow uu soo guuray.

Dalyeelka carruurta

Degmada Avesta waxeey lee dahay xanaano-caruur oo sii fiican uu dhisan, waxeey soo bandhigi kartaa xanaaneeyn caruur oo habeen iyo habeen barka waxii sii dhaafo taasi oo degmooyin dhif ah ee soo bandhigi karaan. Dugsiyaasha xanaanada ma ahane, waxaa sido kale sii jiro xanaanada maalmeedka ee reerka oo ah hab xanaaneeyn caruur ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyaasha hoose ee degmada oo dhan waxaad ka wada heleeysaa bogga degmada. Degmada waxaa sido kale ku yaalo dugsi madaxbanaan. Dugsi sare ee Karlfeldt waa dugsiga sare ee degmada. Dugsi sare ee Karlfeldt waxuu soo bandhigaa nuuc waxbarasho oo balaaran, in badan oo ka tirsan waa waxbarasho kuliyaad oo herkood la xaqiijiyay.

Furadaha waxbarasho

Agagaarka Avesta waxaa laga helaa fursad waxbarasho oo fiican.

Caafimaadka

Degmada Avesta waxaa ku yaalo isbitaal leh qaabilaad degdeg ah, oo furan afar iyo labaatan saac. Waxaa jiro ruggo caafimaad oo ay maamulaan maamulka gobolka iyo ruggo caafimaad oo madax banaan looguna talogalay daryeelka aasaasiga ah. Adiga laf ahaantaada ayaa dooranaya meesha aad doonaysid inaad ka ahaato bukaan socod. Ruggaga caafimaadka waxaa laga helaa daryeelka caafimaadka hooyada, caafimaadka caruurta, baxnaaniska iyo daryeelka tababarka jirka marka xanuun jiro.

Maamulka gobolka ayaa bixiya daryeelka ilkaha iyo sidoo kale daryeel bixiyayaasha baraayfatka ah. Sido kale waxaa jira ruggaha qaabilaada dhalinyarada.

Caawinaad turjubaan

Markii xariir lala yeelanaayo xafiisyada dowlada waa jirtaa fursad lagu helo caawinaad turjumaan oo kula joogo ama ku jiro qadka taleefoonka.

Xiriirka gaadiidka

Basaska xaadaha ee Avesta raacitaankooda waa lacag la'aan. Waa sahlan tahay in Avesta la imaado iyo laga tago ayadoo la raacaayo gaadiidyo kala duwan. Stockholm ilaa Avesta waxeey qaadaneeysaa hal saac iyo bar markii la raaco tareen. Arlanda markii laga soo baxo waa ku dhuwaad hal saac.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha Avesta waxuu ka heli karaa tageero weeyn qofkii daneeynaayo in uu noqdo shirkadle. Waxaa jiro tusaale ahaan xarunta shirkadleeyda cusub, waxbarasho ganacsiyeed, xafiiska shirkadeeynta iyo koox gacanyaro degmada joogto oo ka caawineeyso qofka in si fudud wax uga qabto ogalaanshooyinka loo baahan karo. Sido kale waxaa jiro hey'ado badan oo loogu tala galay shirkadleeyda.

Shaqo dhibyaasha weeyn ee degmada waa tusaale ahaan Outokumpu, Stora Enso Fors, xafiiska degmada Avesta iyo maamulka gobolka Dalarna, laakin sido kale waxaa jiro shirkado badan, kuwo yar iyo kuwa dhexdhexad ah oo ka hoowl galo goob-hoowleed badan oo kala duwan. Goobo-shaqo oo badan, tusaale ahaan, daryeelka iyo xanaaneeynta, shaqaale badan ayaa howl gab ka noqonaayo sanadooyinka dhaw ee soo socdo. Taasi mecnaheed waa in ee jirto baahi shaqaale cusub.