Vansbro

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Vansbro waa degmo sida jawharada u quruxbadan ee ku taalla gobolka Dalarna. Degmada waxa ay ka koobantaa afar magaalo iyo tuulooyin yaryar. Adeeg wanaagsan, raaxo leh wax kastana u dhawyihiin madama tuulada aad looga helo. Magaalooyinka waxa jira adeega bulshada sida dukaamo, boosto, iskaarsiin iyo iskoolaad.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6794

Cabirla dhulka

1657 kiilomitir oo laba jibaaran

Guriga muwaadiniinta ee leh wajahada jaajuurka ee kadinka, xaga hore ee bidixdana faraska yar ee dala.

Deegaan

Vansbro waxad ka kiraysan kartaa guryo waxaadna ka kiraysankartaa ururka guryaga ee degmada Vansbro. Waxaad kale oo ka helaysaa shirkadaha guryaha laga kiraysto oo gaarka looleeyahay.

Guryo isku dherersan oo guduud ah oo laba dabaq ah lehna balakoon iyo meel banaanka ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaad ka helaysaa dhawr luqadood: carabiga, soomaaliga, ingriiska, af tigreega, dari, taylandees iyo af ingriiska.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa ururada maxaliga ah sida dhaqanka, ciyaaraha iyo farshaxanka kuu dheer oo ku yaala SWIS Haweenka Soomaaliyeed ee Iswiidhen.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaa jira adeeg bulsho sida dukaamo, farmishiye, meel lagu dabaasho, maktabad, xafiiska shaqada, dalyeelka shaqsiga iyo qoyska ee degmada, tiyaatar, maqaayad shaah, shaleemo. Erikshjälpen och Bumerangen waa labo dukaan o lagu iibiyo alaabta lasoo isticmaalay waxaana ka heli kartaa alaabta guryahay iyo dhar. Dukaanka Äppelbo Gemenskaps waxaad ka heli kartaa dhar iyo maacuun.

Shan caruur ah oo ku ciyaaraysa barkada yar ee dabaasha ee meesha lagu dabaasho.  Qalabka ciyaarta laga soo siibto ahna guduud oo hoos ugu degaya biyaha.

Dalyeelka carruurta

Waxaa jira dhawr fursadood ee xaga daryeelka carruurta, ka akhriso webdiska degmada.

Qaybta akhriska ee loogu talogalay kuwa ugu yar yar ee jooga maktabada.  Buugta caruurta yar yar oo ku jira sanduuqa buugta iyo kursi cagaar ah oo leh xayawaan lagu ciyaaro.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsida hoose dhexe ilaa iyo fasalkiisa 5 waxa ku yaalaan dhamaan dedmooyinka, fasalada 6-9 waxa laga helaa iskoolka Smedberg ee Vansbro. Waxbarashada dadka waaweyn iyo dugsiga sare waxaa laga helaa Vansbro, xarunka waxbarashada iyo barista ee Vansbro. Waxa kale oo kuyaala sfi, hab waxbarasho oo daruusta laguu soo dirayo adiga oo aanan fasal tagin iyo jaamacad.

Furadaha waxbarasho

Vansbro waxad ka heli karaa fursad waxbarashada dadka waaweyn, jihaynta bulshada ee dadka marka dhaw jimid, waxbarashada dadka waaweyn, sfi iyo waxbarashada gaarka ah.

Caafimaadka

Vansbro waxa ku yaala xarun cafaimaad, xarunta daryeelka carruurta, xarunta daryeelka haweenka, meesha dhalinyarada lagu qaabilo. Daryeelka ilkaha waxa oo ku yaala isla dhismaha ay carunta caafimaadka ku taal. Waxaa kale oo laga helayaa Vansbro daryeelka ilkaha oo gaar looleeyahay.

Caawinaad turjubaan

Marki loo baahdo turjubaan Vansbro waxa laga helaa xurunka turjubaanada ee degmada Borlänge.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka dadwaynaha ee u kala socda Vansbro waa bas. Borlänge ayaa tariin laga laaci kara tusaale ahan la aadayo Stockholm, Göteborg, Malmö, Västerås, Örebro, Gävle.

Guriga boosteejada Vansbro, dhismo weyn, qadiimi ah oo guduud iyo jaajuur ka samaysan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Vansbro waxaa ku yaala shirkado badan oo yar yar ee qaybo kale duwan, ganacsi, warshado kala duwan iyo sidoo kale war baahinta iyo farsamada gacanta tusaale ahaan. Hadii aad doonayso in aad bilaabto ganacsi gaar ah ama aad su'aalo qabto waxaad u tagi kartaa isbahaysiga wax soosaarka ee degmada.

Shaqo bixiyayaasha Vansbro waa tusaale ahaa degmada Vansbro, Orkla foods AB, Sveden Trä AB iyo lyko.se