Hedemora

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Hedemora waa magaalada ugu weeyn Dalarna, waana xarunta degmada. 15 085 qofoof ayaa deggan degmada.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15456

Cabirla dhulka

929 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada waxey leedahay todobo xaafadood, marka lagu daro Hedemora xaafadaha kale waa Långshyttan, Garpenberg, Vikmanshyttan, Stjärnsund, Dala-Husby och Västerby.

Degmada Hedemora waxey ku taalaa dhexbartanka gobol dad badan ee koonfurtda Dalarna. Xiriirka gaadiidka waa heersare. Wadada qaranka 70 ayaa soo marta Hedemora waana halbowlaha isusocdka inta u dhaxeysa Mälardalen iyo Dalarna. Ayadoo la isticmaalayo tareen ayaa la iskaga gooshi karaa maalintii dhowr jeer Uppsala iyo Stockholm iyo weliba dhanka waqooyiga.

Degmada Hedemora waxaa u dhow labadaba dabiicada iyo magaalooyinka waawweyn. Hedemora waxey kugu marti qaadi kartaa fursado horumarineed oo wanaagsan lehna iskuulo bilaaw ah iyo iskuulo. Hedemora waxey leedahay qeyb dhaqanka ah iyo faras magaalo oo leh isku dhaf fiican adeeg iyo ganacsi.

Deegaan

Degmada Hedemora waxaa ku taalo shirkad guri oo degmada lee dahay, AB Hedemorabostäder. Sido kale waxaa jiro shirkado guri oo madaxbanaan, liis ee ku tixan yihiin waxaad ka heleeysaa boggeena degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Qaar ka mid ah luuqada degmada ka jiro markii laga reebo iswiidhishka waa: af soomaali, af tigrinya, af dari, af ingriis, af kurdi, afka iraan iyo af ruush.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Hedemora waxaa ka jira fursado fiican labadaba howlaha ciyaaraha iyo bandhiga dhaqanka iyo nolosha hawada xorta ah. Hadda waxaa jira qiyaas ahaan 200 ururo kala duwan waxaadna ka raadin kartaa kuwaas diwaanka-ururada ee ku jiro bogga degmada.

Munaasabado badan oo degmada ah waxaa lagu sheega jadwalka munaasabadaha.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Hedemora waxaa ku yaalo xafiiska shaqada, maktabad, iyo qaabilaada degmada. Bartamaha waxaad ka heleysaa dukaamo dhowr ah iyo biibitooyin.Wax yar geeska xigo, laakin jiro masaafad-socod, waxaa ku yaalo sadax dukaamo cunto (Hemköp, Ica iyo Lidl).

 

Maktabada Hedemora, dhismo gaaban oo cadaan ah.

Långshyttan waxaa ka jira waxa ka mid ah dukaanka ICA. Dala-Husby, Stjärnsund iyo Vikmanshyttan waxaa ka jira dukaan xaafadeed.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku taalo dhowr xanaano, boggeenana degmada ayaad ka akhrisan kartaa meesha ee degmada uga yaaliin.

Waxaa jirto xarun-reer oo caruur iyo dad kale oo waa weeyn wadajoogaan. Meeshaasna waxaa fursad looga heli karaa in lagula kulmo shaqaale ka socdo rugta caafimaadka caruurta iyo in kale. Guriga-luuqada waxuu ka tirsan yahay xarunta-reerka, halkaasna waxaa loogu soo bandhigaa qofka leh caruur a hooseeyo shan sano in uu ku barto isticmaalid luuqada ayadoo xooga la saaraayo caruurta.

Snödroppen waa xanaano gaar loo leeyahay , waxaana jira xanaano kiristaan ah, Noas Ark.

Xadiiqada Sveaparken, goob lagu ciyaaro lehna leexooyin, sanduuqa ciida, meesha la koro iyo waxyaabo badan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa jiro in badan oo dugsiyaal xanaano ah iyo dugsiyaal hoose oo ku faafsan degmada Hedemora. Waxaa sido kale jiro dugsi hoose oo leh fasalada dhexe, Vasaskolan, iyo dugsi sare, Martin Koch-gymnasiet, labadaba waxeey ku yaaliin bartamaha xaafada Hedemora.

Waxeyna sii leedahay laba iskuul oo gaar ah, Olympicaskolan iyo Annaskolan oo labadaba heysta xanaano ilaa sanad dugsiyeedka 9.

Furadaha waxbarasho

Degmada Hedemora waxeey sido kale soo bandhigi kartaa fursado kalo ee waxbarasho. Waxaa jiro oo ka mid ah waxbarashada dadka waaweyn oo soo bandhigaayo waxbarashada dadka waa weeyn, barashada iswiidhishka ee ajnabiga iyo waxbarshada dadka waa weeyn ee gaarka. Waxaa sii jira Xarunta waxbarashada Gruvorten oo xooga saareysa in ay waxbarto buuro ka shaqeeyaha, ayadoo loosii marayo waxbarashada-YH iyo waxbarasho dugsi sare.

Caafimaadka

Degmada waxaa ku taalo labo rug caafimaad, hal gudaha Hedemora, iyo halna gudaha Långshyttan (ku dhawaad 30 daqiiqo oo baabur ah markii laga baxo Hedemora, basasna waa tagaan). Dhakhtar ilko waa ka dhex helee Hedemora. Caawinaad degdeg ah waxaad ka heleysaa Isbitaalka Avesta oo ku dhawaad 20 daqiiqo oo dhanka koonfurta lagu tagaayo baabur. Haddii ee nolol qatar ama handadaad ku jirto wac 112.

Caawinaad turjubaan

Caawinaad turjumaan waa la heli karaa markii loo baahdo laakin xafiiska degmada Hedemora laf ahaantiis ma hayo caawinaad turjumaan ee caawimaadaas waxaan ka kaashana hey'adda kale ama macalamiin luuqado.

Xiriirka gaadiidka

Mid ka mid ah waxyaalaha ee degmada Hedemora ku fiican tahay waa in eeysan ka dheereeyn magaalooyinka waaweyn. Waxeey tusaale ahaan qaadaneeysaa in ka yar laba saacadood tareen lagula tago Stockholm, Uppsala iyo gobolka Mälardals. Safarka Falin/Borlänge waxey qaadaneysaa 40 daqiiqo oo babuur ah waxaana jira fursado fiican safar wada jir ah. 35 kilomitir in u u jirto Hedemora waxaa ku yaalo Goobta duulimaadka Dala, oo ah isbitaal ku yaalo Borlänge.

Warbixin dheeri ah ee Baska, tareenka iyo xiriirada kale , ka fiiri Dalatrafik iyo SJ.

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Hedemora ganacsigeeda waxaa lagu yaqaana qandaraasle-yaal badan iyo shirkado yaryar. Kuwo badanoo deggan oo ka shaqeeya degmadda waxey abuureen iskood uney u shaqeystaan ayagoo kaalmeysanaya curintooda gaarka ah iyo dad kale. Shirkadda Hedemora Näringsliv AB waxey bixisaa talo siin bilaash ah haddii qofka rabo in uu bilaabo, horumariyo ama salka u dhigo shirkad.

Waaxyada ugu weyn ee degmada waa daryeelka, warshadaha waaweyn, warshadaha, iyo beeraha iyo keeynta. Ganacsiga waxa uu noqon karaa shirkad ku takhasustay tusaale ahaan farsamada, dhisidda iyo soo saarida cuntada maxalliga ah.