Falun

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Falun waa magalaada ugu weeyn Dalarna ayadoo leh in ka badan 56 000 oo qof, magaaladana waxeey uu jirtaa 19 kilomitir Borlänge oo ah magaalo weeyninkeeda midaan uu dhaw. Magaala madaxda Stockholm waxeey jirtaa 223 kilomitir.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

59057

Cabirla dhulka

2275 kiilomitir oo laba jibaaran

Falun waxaad ka heleeysaa degaan fiican oo uu dhaw dabiicad qurxoon iyo wabiyaal badan. Waxaa Falun kali ku tahay in degmada ka shaqeeyso dadaalo yar oo badan oo kala duwan ayadoo lala wado ururo iyo shirkado, taasi oo markii la isku daro kuu keeneeyso farqi marka aad Iswiidhan ku cusub tahaya si aad xariir dhaw uula yeelato iswiidhiska dalka ku dhashay.

Deegaan

Falun waxaa ku yaalo dhamaan nuucyada guriyaasha kala duwan. Guri ama degaan dabaq ku yaalo waa la kireeysan karaa ama waala gadan karaa. Sido kale waxaa jiro guriyaal arday. Kopparstaden waa shirkada guriyada ee degmada lee dahay , waxeeyna soo bandhigaan degaan fiican. Kopparstaden waxeey ka shaqeeyaan agagaarka degamaadooda iyo ururada si loo abuuro goob kulan oo ka dhaxeeyso iswiidhiska ku dhashay dalka iyo dadka dibada ku dhashay ee gudaha xaafadaha. Mustaqbalkana haddii aad dooneyso in aad lahaato guri, guriyaasha halkaani sidii magalooyinka waa weeyn uuma qaalisano.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Falun inta degan boqolkiiba toban waa dad dibada ku dhashay. Intaasna waa dad jinsiyo badan leh. Dadka ugu badan waa dad ka mid yihid waqooyiga yurub iyo yurub gudaheed. Laakin sido kalena dad ka yimid Aasiyo iyo Afrikana waa ku matalanyihiin. Intaas waxaa uu dheer af carabi, af soomaali iyo lahjadooinka kurdiga sidii sorani iyo kurmanji iyo afka thayland.

Jaaliyado iyo ururu

Falun waxaa ka jiro ururo badan, inta badankood waa kuwo isboorti laakin waxaa xitaa jiro tusaale ahaan, ururo diimeed, ururada iska ilaalinta khamrada iyo ururo heeso. Ururo soomaali waxeey ku yaaliin Borlänge, magaalo Falun uu jirto 20 kilomitir. Borlänge waxaa kale oo ku yaalo masaajid iyo goobta diimeedka ee buddistiga (gudaha tuulada Ulvshyttan). Kaniisada katooliga iyo rug kiristaanka uu gooni noolaha, waxeey ku yaaliin Falun.

Maxaa ka ag dhaw

Falun waa magaalo gobol, waxeeyna lee dahay bartame qurxoon oo carwo leh iyo dukaamooyin yar oo ku wada yaalo jid-ganacsi iyo goob-dukaamo weeyn in yar banaankeeda markii loo baxo. Sido kale halkaan waxaa ka jiro hoowlo dhaqameed oo nuucyo badan oo kala duwan ah: tiyaatarka-Dala, koox-heeso, matxafka gobolka, maktabad.

Dad badan oo jooga bartamaha Falun iyadoo ay socoto xaflad.

Degmada Falu waxeey soo bandhigeeysaa warbixin bulsho oo loogu talag galay dadka dalka cusub. Waxii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleeysaa gacan yarayaasha qaxootiga oo joogo xafiiska isdhexgalka iyo suuqa shaqada. Degmada waxeey si wada jir ah ula wada kaniisad madaxbanaan (Kaniisada-Lugnet) mashruuc oo ku saabsan helida reer oo uu shaqeeynaayo hab jiheeyn-qaxooti oo loogu dan lee yahay dadka dalka ku cusub.

IKEA waxuu Falun uu jiraa 20 kilomitir, gudaha Borlänge. Sido kale Falun waxaa laga helaa iibsii bananeed oo badan, dukaamka-dib uu habeeynta degmada "Ta till vara" iyo dukaanka gacan labadka, oo laga heli karo waxyaalaha sharaxaada ilaa alaab guri, daahyo, maacuun iyo in kale.

Dalyeelka carruurta

Dadka dalka ku cusub oo caruurta leh waxaa uu jiro dugsi xanaanad furan oo ku ag taalo rugta caafimaadka Elsborg, agagaarka xaafada Järnet, agagaarka bartamaha. Halkaan waxaad kula kulmi kartaa hooyo iswiidhin ku dhashay iyo hooyoyin dibada ku dhashay iyo aabooyin, halkaana waxaad kub aran kartaa afka iswiidhishka xataa haddii aada sii bilaabin sfi. In ku filan oo dugsiyaal xanaano ayaa jiro iyo xanaanada maalmeedka ee reereed oo loogu tala galay qofka uu baahan xanaaneeyn caruur oo maalmeed ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Falun waxaa ku taala 27 dugsi hoose oo degmada lee dahay iyo 3 dugsi oo loogu tala galay caruurta leh baahi gaar ah. Sido kale waxaa jiro 4 dugsi hoose oo madaxbanaan. Waxaa jiro 2 dugsiyaal sare oo degmada lee dahay iyo 6 dugsiyaal sare oo madaxbanaan.

Waxeey Falun lee dahay oo kale , dugsi heeso oo la codsan karo haddii la heeysto canug jecel heesaha iyo garaacida aaladaha heesaha.

Furadaha waxbarasho

Boggeena waxaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan waxbarashada dadka waa weeyn ee degmada. Haddii aad rabo in jaamacad dhigato, waxaa jirto Jaamacada Dalarna.

Caafimaadka

Degmada Falu waxaa ku taalo afar rug caafimaad. Isbitaalka Falu waa isbitaalka Dalarna ugu weeyn asago ka howl galo sida weeyn markii loo fiiriyo dhamaan takhasuska daawadeed. Halkaan waxaa ku taalo qaabilaada degdega. Xarunta reerka ee Elsborgs waxaa ku yaalo daryeelka caruurta iyo hooyooyinka.

Caawinaad turjubaan

Anaga oo wada baahi uu qabno is aan is wada fahamno, waxaan adeegsaneeynaa turjumaan markii aan uu baahano. Waxeey ku saabsanaa kartaa xariir la yeelashada shaqooyinka, dugsiyada, booqasho hey'add iyo daryeelka bukaanka.

Xiriirka gaadiidka

Tareen waxuu ka baxaa bartamaha Falun asagoo maraayo Gävle iyo Borlänge oo ku socdo Stockholm. Goobta duulimaadka Dalka ee gudaha Borlänge waxaa si toos ah ugu duuli kartaa Stockholm, Göteborg ama Malmö. Basas in ku filan weey lee dahay degmadu iyo xataa tago degmooyinka dariska, Dalatrafik ayaa ka masu'ul ah gaadiidka-baska.

Shaqo iyo ganacsi

Falun iyo Dalarna sanadooyinka dhaw ee soo socdo shaqaale badan ayaa howlgab ka noqonaayo. Kalkaalisooyin hoose, kalkaalisooyin, dhakhtaro, Farsame yaqaanka warbixinta teknoolojiyada iyo injineero ayaa ugu fursad weeyn helid shaqo. Laakin xataa xirfadaha gacmaha waxeey Falun iyo meelo kale oo Dalarna ka tirsan baahi ugu qabi doonaan shaqaale.

Sido kale Falun waxeey lee dahay jaamacad oo leh waxbarasho luuqadeed oo dhameeystiran iyo macalimiin dhaqamo badan. Haddii aad dooneeyso in aad shirkad furato, waxaad uu tagi kartaa degmada xafiiskeeda shirkadeeynta.