Nora

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Nora oo ah degmo farxad iyo soo jiidasho leh waxeeyna ku ag taaallaa balliga Nora, waxeey kaloo leedahay degmada kaymo iyo dhul ugaadhsi, 30 daqiiqo keliya ayeey u jirta magaalada todobaad ee wadanka iswiidhan, Örebro.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10719

Cabirla dhulka

691 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka magaalada Nora. Haro biyo ah ayaa ka muuqata xagga hore. Kaniisad cadaan ah lehna saqaf madow oo muuqata.

Magaalada Nora oo ku caan baxday dhirta iyo doogga qurxoon waxay leedahay taariikh aad muhiim ah (småstadsidyllen), dhul beereed, godadka macdanta iyo wado qadiimi ah oo tareenku maro. Qeybo badan oo ka mid ah degmada Nora waxay u eegyihiin siday u ekaayeen boqol sano ka hor. Maanta waxeey degmadu diyaar kuula tahay taariikh dhaqameed kusoo xasuusinayo waqtiyadii hore.

Deegaan

Ma raadineysaa dhismo iyo guryo kala duwan oo aad ijaarato? Bergslagens Nora waxaad ka helaysa guriga aad raadinaysid. Degmada Nora websitekooda waxaad ka helaysaa qoraal taxan oo ka koobaan sherkadaha guryaha ee Nora. Leynkaan hoos ku qoranna waxaad ka heleysa qoraal taxan oo ka kooban Ururka guryaha baadh iibsada iyo diilaalada degmada.

Järnboås ku ag noolow jawi wanaagsan oo dabiici ah.

Halkan waxaad ka iibsan kartaa ama ka degi kartaa guryo wanaagsan mustaqbalkana aad ka faa'iido, khaasatan hadii aad ka shaqeeysid magaalooyinka Örebro, Nora iyo Lindesberg.

Guri alwaax ah oo qadiimi iyo guduud ah kuna yaala Kungsgatan ee Nora.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn Nora, ka soow iswiidhiska, waa hollandiis, jarmal, carabi, af-kurdi, iiraani, daari, soomali, tigreega iyo af-teeylaandees. Waxaanu leennahay tobaneeyo luqadood oo dad yari ku hadlaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Nora waxay taajir ka tahay jaaliyado kala duwan, waxaa diwaan gashan 140 jaaliyado ka badan. Waxaanu leenahay sadex urur oo masixiiyiin ah oo ku yaala bartamaha Nora, iyo dhawr kaniisado oo banaanka ku yaala. Masaajidka ugu dhow wuxuu ku yaalaa Örebro.

Ururadayada ciyaaraha waxay kuu soo bandhigayaan barnaamijyo badan oo loogu tala galay da´yo kala duwan. Dhowr naadi baa horumar gaadhay iyo gobolka waaxaa jooga nadiyo horumar qaran iyo mid caalami gaadhay.

Waxaana jira jaaliyado xiiso leh sida tuuloyin, jaaliyadaha ciyaaraha, jaaliyadaha uruurinta, jaaliyadaha dhaqanka, jaaliyadaha beeraha iwm.

Xidhiidhka jaaliyadaha waxaad ka heleysa diiwaanka jaliyadaha.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Nora waxaa jira waxyaabo badan oo aad ku hamiyaysid. Dukaamo cunto, waxaad ka heleysa Nora, Gyttorp iyo Järnboås. Xafiiska shaqada , xafiiska bulshada, qaabilada qaxootiga, maktabad, goobta dabaasha iyo goobaha ciyaaraha waxay ku yaalan bartamaha Nora.

Waxaadna halkan ka helysaa nolol maalmeed sida kabaha, dharka, farmasi, kaalin shidaal, alaab guri, alaab dhismo, midab, geerash, jimicsi iyo dukaamo alaabta duuga ah lagu gado iwm.

Bir leh tabeelooyin muujinaya jidka taga meelo kala duwan oo ku yaala Nora.

Dalyeelka carruurta

Rugta daryeelka caruurta waxeey qaabilsantahay maamulida xanaanada caruurta iyo skoollada waxbaraho ee da'arta. Caruurta eey da´doodu tahay 1-5 sano waxaa loo diyaariyey xanaanada caruurta ama daryeel xanaano oo guriga ah. Caruurta da´doodu tahay 6-13 daryeel waxbarasho oo ah la loo diyaariyay xilli firaaqeedka.

Xarunta qoyska Pirayan waa meel ay ku kulmaan waalidiinta iyo caruurta eey da´doodu tahay 0-6 sano. Halkan dad baad la kulmi karta, la shaahayn karta, cawimaad heli kartaa iyo talooyin iyo lana kulmi karta waalid iyo caruur kale.

Jardiino leh meesha lagu ciyaaro. Meeshan lagu ciyaaro waxaa laga helaa meesha laga soo siibto iyo leexooyin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Nora waxaa ka jira lix dugsiyada hoosedhexe oo dawladdu leedahay iyo mid gaar loo leeyahay (baraayfat). Karlsängsskolan oo ku yaala bartamaha Nora waa skool dawladeed.

Dugsiga sare ee Hjernet (GHJ) oo ku yaala Nora wuxuu leeyahay sadex barnaamij oo loogu tala galay dadka cusub: Hab shaqiyeed, waxbaraho diyaarin ah, waxbaraho farsameed, halka ay ardayda badan ay dhigtaan maadiyo caalami ah oo ay ka dhigtaan Lindesberg ama Örebro.

Dugsiga sare Hjernet ee ku yaala Nora. Dhisme laba dabaq ah oo ka samaysan jaajuur guduud ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Nora waxay leedahay waxbarasho loogu tala galay dadka waaweyn oo si wacan u shaqaysa iyo waxbaraho heer jaamacadeed ah oo ku taal magaalada dariska ah ee Örebro lana dhaho Örebro Universitet. Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada waxay ku taallaa Hjernet oo leh qeybaha Komvux, sfi, särvux iyo waxbarasho dhinac xirfadeed ah (yrkesvux). Waxaana lagu bartaa tusaale ahaan sida loo aasaaso shirkada iyo hab waxbarasho oo waraaqaha iyo qalabka waxbarasho gurigaada laguugu soo diraayo.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka, daryeelka hooyoyinka, caafimaadka ama daryeelka caruurta iyo rugta daryeelka ilkaha kulligood waxay ku yaallaan magaalada bartameheeda si fududna waad u heleysa.

Rugta qaabilaada degdega ah (emerjensiga) waxay ku taallaa isbitaalka Lindeberg iyo kan Örebro.

Rugta caafimaadka Nora, taas oo ah dhisme jaajuur ah oo guduud ah.

Caawinaad turjubaan

Wixii ku saabsan xidhiidh dawladeed waxaad helaysa turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidya safarka ee ka baxa degmada Nora waa basaska, lakin waxaa la wadaa qorshe ah in la hir galiyo tareen aada magalaada Örebro. Navet waa meesha tareennada ka baxaan ee ugu dhow balliga Nora.

Xarunta tareenada ee Nora. Dhismaha tareenada ee xagga dambe ka muuqdaa waa dhisme jaajuur ah oo guduud ah lehna saqaf cagaar ah.

Nora waxay leedahay basas si joogta ah u taga Örebro, Lindesberg iyo Hällefors. Ka akhriso jadwalka basaska Länstrafiken Örebro.

Örebri waxaa ka baxa tareemo oo si toosa u aadaya qaybo badan oo ka mid ah Iswiidhan iyo Oslo Norway. Madaarka ugu dhow wuxuu ku yaallaa Örebro banaankeeda, waana mid caalami ah.

Goobta basku lagu sugo oo laba bas oo buluug ah istaageen.

Shaqo iyo ganacsi

Degmadu waxa ka shaqeeya 750 qof, waana shaqo bixiyaha ugu weyn. Sherkadaha caadigaha ah waa ilaa 100 xabo, Sherkadaha ugu shaqaalaha badan waa Orica Minings, Sandviken i Nora AB, Danfo AB, Drillcon AB och Europrofil. Wakhtiga xagaaga Nora waxaa ka baxa ubaxyo oo eey dad badan u soo dalxiis tagaan, dakhliga degmada kasoo gala meeshaasna aad buu u fiicanyahay.

Degmada Nora waxeey wada shaqeyn buuxda la leedahay shirkadaha ka dhisan degmada iyo kuwa gobolkaba. Qofkii raba inuu furto shirkad waxaa gacan siinaya ALMI iyo IFS (Internationella företagarföreningar i Sverige).