Örebro

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Örebro waa degmada todobaad ee Iswiidhan ugu weeyn. Magaalada Örebro laf ahanteeda waxeey jirtaa in dhafeeyso 700 oo sano. Qasriga waxaa la bilaabayba in la dhiso isla 1200-kii. Boqolkiiba 70 oo ka tirsan dadka Iswiidhan waxeey dagan yihiin hal dhexroor badhkii oo 30 maayl gudaheed markii laga tago Örebro. Goobta duulimaadka Örebro waxeeyna lee dahay duulimaad ku socdo Iswiidhan iyo yurub. Tareen ayaa si sahlan ugu tagee meelaha kale ee ku wada yaalo Iswiidhan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

155774

Cabirla dhulka

1621 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

ÖBO waa shirkada degmada uu gaarka ah, bogooda internetkana waxaad ka heleeysaa warbixin badan oo ku saabsan ayaga iyo guryahooda. Shirkadaha kale ee guriyaasha waxaad ka heleeysaa bogga degmada Örebro.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Örebro waxaa dagan dad ka socdo ku dhawaad 165 dalal oo kala duwan, koox-luuqadeedka badankood waa ku matalan yihiin. Xarunta-adeega degmada waxaa laga helaa fursad lagu helo warbixin shakhsiyed oo ku saabsan adeeg kasto ee gudaha degmada ayadoo ku qoran 15 luuqad. Afka iraan, afka azeeriga, afka dari, afka kurdiga, af carabiga, af turkiga, afka bosniya, afka serbiya, afka koroshiya, af soomaali, afka taliyaaniga, afka finishka, afka litweeyn, afka dhagoolada, afka isbaayn iyo afka jabaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Örebro waxaa lee dahay ururo badan iyo hoowlo badan oo ka hoowl galo meelo badan sidii dhaqanka, isboortiga, jawiga howlaha dibada iyo ururo kale oo hami. Warbixin dheeraad oo ku saabsan ururada badankooda waxaad ka heleeysaa bogga degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Örebro waxeey bartamo uu tahay meelo badan oo leh xaafado sii yaryar oo eey la lee dahay isgaarsiin bas oo fiican. Laf ahaanteed waxaa ku yaalo adeega-bulshada sidii xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska, maktabad, xafiiska canshuuraha iyo in kale. Warbixin dheraad oo in taaso dhan ku saabsan waxeey ku jirta bogga degmada. Bartamaha magaalada in yar oo ka baxsan waxaa ku yaalo carwo leh dukaamo badan, biibito oo ka mid yahay goobta dukaanka weeyn ee IKEA.

Dalyeelka carruurta

Caruurta dhamaantood uu dhaxeeyo 1-5 sano waxeey xaq uu lee yihiin dugsi xanaano ama xanaano meelmeed ee qooys markii aad shaqeeyneeysoo ama waxbaraneeyso. Degmada Örebro waxeey soo bandhigeeysaa xanaaneeyna caruurta oo loogu tala galay canugaada, laga bilaaba da'da 1 sano ilaa dugsi xilliyeedka guga uu canuga gaaraayo 13 sano.

Xarumaha reerka waa goobo kulan oo loogu tala galay waalidka iyo caruurta, waxeeyna ku yaaliin meelaha degaamada waa weeyn badankood. Halkaan waa la isla ciyaari karaa, reero kale aa lagula kulmi karaa, laga heli karaa tageero iyo waxaa laga qeeyb qaadan karaa hoowlo-kooxeed. Xarumaha reerka waxaa joogo macalimiin, la taliyaal, kalkalisyo caruur iyo umulisooyaal. Hoowsha waxeey uu furan tahay dadka dhamaantood, mana loo baahno in la iska war galiyo.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Perrongen waa galida wada dhaxeeyso iskuulka iyo xanaanada caruurta oo loogu tala galay caruurta dalka ku cusub. Halkaas ayaad adiga iyo canugaada ka heleeysiin warbixin ku saabsan iskuulka iswiidhan, canuga waxaa loo diyaarinaa inta aan iskuulka la bilaabin.

Degmada Örebro waxeey le dahay dugsiyaal hoose oo badan, bogga degmada ayaad ka heleeysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan kuwaad iyo meesha ee ku yaaliin. Degmada Örebro waxeey kale oo lee dahay 17 dugsiyaal sare.

Furadaha waxbarasho

Örebro waxeey lee dahay soo bandhig waxbarasho oo badan looguna tala galay dadka waa weeyn. Bogga degmada Örebro waxaa ku jiro warbixin la soo aruuriyay oo ku saabsan sfi, waxbarashadeena dadka waa weeyn ee degmadeed iyo waxbarasho kale oo loogu tala galay dadka waa weeyn, sidii tusaale ahaan waxbarashada jaamacada. Si aad uu hesho Warbixinta, jiheeynta iyo codsiga waxbarshada dadka waa weeyn, uu tag xarunta-jiheeynta.

Gudaha Örebro sido kale waxaa ka jiro fursado kala duwan ee waxbarasho. Cityakademin waa xarunta-waxbarshada Örebro, waxeeyna ku tala isla goobata maktabada-magaalada. Halkaan degmada Örebro waxeey kala wada shaqeeysaa oo ka mid ah Jaamacada Örebro, barashada-dadka, ururada-shaqaalaha, jawiga shirkadeed iyo xafiiska shaqada. Waxaa ka mid ah shaqada koobad ee Cityakademi in la kala wado waxbarshada baahida looga qabo gudaha iyo kuwa gobolka iyo waxbarasho xirfad hormarin ayadoo lala wada shaqeeynaayo jawiga shirkadaha. In dheeraad ah oo ku saabsan fursadaha waxbarashada ka akhriso Jaamacada Örebro iyo dugsiyada dadka waa weeyn ee degmada

Caafimaadka

Örebro waxaa laga helaa soddemeeyo ah ruggo caafimaad. Badankooda waxaa maamula Gobolka Örebro, laakiin waxaa jira xitaa dhowr ay maamulaan daryeel bixiyayaal baraayfad ah oo gobolku xilsaartay. Ruggaha caafimaad waa saldhiga daryeelka bukaanka ee gobolkan oo waa halkaas meesha aad ugu horeyn la xiriirayso xilliga cudur ama haddii aad hayso su'aalo ku saabsan caafimaadkaaga. Halkaas ayaa laga helaa xitaa ruggaha caafimaadka hooyada iyo caruurta.

Örebro waxaa ku yaalo hal isbitaal-jamacaadeed oo leh qaabilaad degdeg iyo qaabilaadyo takhasus.

Degmada ayaa ka masu'uul ah daryeelka caafimaadka iyo bukaanka oo ku jiro daryeelka guriga, baxnaaneeynta iyo qalabka caawimaada la siinaayo dadka joogo gruiyaasha xanaaneeynta iyo daryeelka, degaamo leh adeeg gaar ah, hoowlaha-malmeedka, guriyaasha-adeega waayeelka, kalkaalinta shakhsiya iyo qofka caawinaad ka heli dimirka-bulshada.

Gobolka Örebro ayaa mas'uul ka ah daryeelka ilkaha, laakiin waxaa jira xitaa qaar baraayfad ah.

Caawinaad turjubaan

Markii loo baahdo degmada Örebro waxeey adeegsaneeysa turjumaan, haddii ee tahay luuqada lagu hadlo iyo luuqda gacanta ee dhagoolka iyo dadka dhagta ka dhaawacsan. Warbixin dheeraad ah waxaad ka heleeysaa xarunta-adeega.

Xiriirka gaadiidka

Örebro waxeey lee dahay isgaarsiin fiican. Waa sahlan tahay in magaalada loo soo safro iyo in laga safro. Sido kale waa sahlan tahay in xaafad ka xaadaf loo safro iyo meelaha dhow ayadoo la adeegsnaayo bas. Örebro waa magaalo-baaskiil. Waxaana jirto jid-baskiil oo ah 215 kilomitir kuna yaalo meelaha dhisan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Örebro ayaa ah shaqo-bixiyaha ugu weyn ee gobolkan lehna qiyaastii 11 000 shaqaale ah. Shaqo-bixiyayaasha kale ee dhanka dawladeed waa Gobolka Örebro iyo jaamicadda Örebro. Qaar ka mid ah shaqo-bixiyayaasha qaybta baraayfadka ee ugu weyn waa: Atlas Copco Rock Drills AB, Nobina Sverige AB, EuroMaint Rail AB och DHL Express AB.

Bogga degmada waxaa ka heleysaa warbixin loogu tala galay qofka hami uu hayo in furto shirkad iyo qofka isla hadaba kala wada shirkad.