Kristianstad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Dadka dega Kristiansstad aad ugu faanaan magaaladooda. Halkaan waxaa ku kulma waxyaabo badanoo wanaagsan, waxaana ka jira wadasocod bulsho isku qalbi furnaan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

85590

Cabirla dhulka

1821 kiilomitir oo laba jibaaran

Jid ay ka buuxaan dad. Waa maalin xilli xagaa oo cad-ceed leh.

Kristinastad waxeey ku taalwaqooyiga bari ee Skåne waxaana ka jira isku xirnaan fiican oo xaga gaadiidka ah, waxuuna u dhaxeeyaa Skåne iyo Blekinge. Waxaad Kristianstad ku tageeysaa ku dhowaad hal saac oo taren ah haddii aad ka soo raacdo magaalooyinka waaweyn ee Öresund iyo garoonka diyaaradaha ee Koobenhegan.

Deegaan

Degmada waxaad ka heleysaa fillooyin qiimo jaban iyo lacagta kirada guryaha oo ah mid ka mid ah kuwa ku yar wadanka oo dhan. Waxaa jira guryo kala duwan, fillooyin, guryaha dabaqa ku dhexyaalla oo laaganhetka loo yaqaano ama guryaha la kireysto iyo kuwa la gadanayo qaar ka mid ah dabaqa.

Kristianstad kama jiraan meelo guryaha bannaan lagu soo bandhigo. Si aad u ogaatid guryaha bannaan waxaad la xiriirtaa shirkada waaweyn guryaha. Qaar badanoo ka mid ah waxeey leeyihiin safaf lo galo guryaha bannaan.

Ma dooneeysaa inaad dhisato guri aad leedahay, ma dooneysaa inaad gadato dhul fillo, waxaa ku caawin kara xarunta muwaadinka ee degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af-carabi, af-albeeniyaan, af-boosniyaan, af-fiinlandees, af-shiinees, af-kurweeshiyaan, af-boolish, af-seerbiyaan, af-soomaali iyo af-suuraani.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Kristianstad waxeey qani ku tahay jaaliyadaha waxaana ku yaal jaaliyado kor u dhaafaya 500. waxyaabaha eey sameeyaan weey kala duwan yihiin. Waxaa jira jaaliyado dhaqameed, kuwa dhalinyarada xiiseysa in duurka la geeyo, jaaliyado beeraha ku howlan iyo jaaliyado isboortis oo leh kuwo dhalinyaro iyo kuwo heer sare ah iyo kuwo heer aalamiito ah.

Liiskeena diiwaanka jaaliyadaha waxad ka heleysaa waxyaabaha eey jaaliyadaha kala duwan sameeyaan.

Ma dooneeysaa inaad ogaato sida aad u bilaabi karto jaaliyad Kristianstad waxaa faafaahin dheeraad ah ka heli karataa degmada boggeeda internetka.

Suuq ay afar haween ah ku fadhiyaan kursi dheer. Hortooda waxaa yaala miis dheer oo ay saaranyihiin barkimooyin iyo masarada qoorta ee tolan.

Maxaa ka ag dhaw

Xarunta muwaadinka ee degmada waxeey ka caawin kartaa inaad heshid xafiiska ama qofka aad dooneysid inaad la xiriirtid. Shaqaalaha xarunta muwaadinka ee degmada waxeey ku hadlaan luqado badanoo kala duwan waxaana haddii aad u baahantahay ku caawin kara turjumaan.

Dukaamo

Kristianstad waxeey leedahay dhaqan dheer oo ah ineey tahay magaalo ku caanbaxday ganacsiga waxeeyna biladsharaf ku heshay ineey tahay faras-magaalanimadeeda. Waxaa halkaan ka heleysaa dukaamo, goobo cuntada lagu gado, kafeteeriyo iyo makhaayado. Bartamaha magaalada waxaa ku yaal suuq waxaana la qorsheeynayaa goob ganacsi oo laga dhisayo magaalada bannaankeeda. Waxaa kaloo jira dukaamo ku hareersan degmada oo dhan.

Maktabadaha Degmada Kristianstad

Kristianstad waxaa ku taal maktabad weyn iyo 11 maktabado, laba goobood oo laga amaahan karo buugaagta iyo goobta bokbusska. Waxeey kaloo leedahay maktabada weyn qol lagu akhristo joornaallada halkaas oo aad ku akhrisan karto joornaallada iswiidhishka ah iyo kuwo kale oo dibadda ah.

Shaqo iyo lagu noolaado raaxo iyo ammaan (la xiriira mujtamaca)

Haddii aad u baahantahay caawimaad iyo talo siin waxeey degmadu kuu caawin kartaa siyaabo kala duwan.

Xafiisyada ceymiska iyo cashuuraha waxeey ku yaallaan Kristianstad, xafiiska shaqadana ee Kristianstad waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan shaqo iyo waxbarasho (warbixinta luqado badan ayaa lagu helayaa).

Lix qof ayaa taagan masrax banaanka ah oo daansaya. Hortooda waxaa jooga daawadayaal fiirsanaya iyaga.

Dalyeelka carruurta

Qoysaska soo galootiga ah ee imaanaya Kristianstad waxeey la xariirayaan dugsiga xanaanada och dugsiga hoosedhexe iyagoo usoo maraaya degmada waaxdiisa Slussen.

Kristianstad waxaa ku yaal dugsiyada xanaanada carruurta da'doodu tahay 1-5 sano iyo guri waqti firaaqeedka carruurta la geeyo waxaana loogu tala galay kuwa dhigta fasalka koowaad illaa eey ka gaarayaan 13 sano. Guriga xilli firaaqaha waxaa la furaa ka hor waqtiga iskoolka iyo iskoolka kadib iyo waqtiyada fasaxa. waxaa kaloo jira meelo lagu barto sida wax loo barto oo sida dugsiga xanaanada oo kale ahwaxaana loou tala galay carruurta da'daas jirta. waxaa kaloo Kristianstad laga helaa dugsiyo xanaaneed xooga saara waxbarashada bannaanka lagu barto waxaa kaloo jira dugsi xanaaneedyo furan habeenkii oo loogu talay carruurta eey waalidiintooda habeenkii shaqeeyaan.

Haddii aad tahay qof wadanka ku cusub waxeey degmada kaa caawineysaa iyadoo u soo mareeysa Slussen, inaad lagula xiriiriyo daryeelka carruurta.

Ilmo eegaya macalin oo gacanta kor u taagay.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Kristianstad waxeey carruurta da'doodu eey ka billaabato 6 sano u heysaa fasalka xanaanada oo ah fasalka ka horreeya kan koowaad. Qaar kamid ah iskoollada degmada waxeey xooga saaraan maaddooyin gaar ah sida isboortis, hidde iyo dhaqan, sawir, horumarinta farsamada, ganacsi iyo qaab waxbarasho oo eey ardaydu qalab isticmaalayaan.

Kristianstad waxaa ku yaal 12 dugsi sare kuwaasoo shan kamid ah yihiin kuwo eey degmadu leedahay halka 7 eey tahay kuwo gaar loo leeyahay. Shanka eey degmadu leedahay waxeey hayaan 17 ka mid ah 18 barnaamij waxbarashadeed eey ka jirta wadanka. Waxaa kaloo ka jira degmada waxbarasho isboortis ah oo xoogga saarta kubada cagta iyo kubada gacanta iyo iskoolk dugsi sare ah oo loogu tala galay ardayda lixdooda lixaad aan u dhameyn.

Kristianstad waxaa ka jira dugsiyada hoose dhexe oo loogu tala galay carruurta eey maskaxdoodu wax si ka yihiin waxaana ka jira qeybo kala duwan sida jimicsi jir iyo aawtism iyo qebo kaloo badan, waxaa kaloo jira dugsi sare oo loogu tala galay carruurta eey maskaxdoodu wax si ka yihiin.

Barashada luqada hooyo

Luqada afka hooyo waa maaddo gaar ah oo laga dhigo dugsiyada hoosedhexe iyo sare, waxeeyna leedahay qorshe maaddeed gaar ah.

Hooyo buug u akhrinaysa ilmaheeda oo joogta maktabad.

Furadaha waxbarasho

Degmada Kristianstad waxaa ka jira waxyaabo badan oo kala duwan oo loogu tala galay inuu waxbarto inta uu noolyahay oo dhan. Degmadu waxeey si fiixan uga shqeeysaa ineey sare u qaaddo aqoonta dadka waaweyn iyo in lala simo baahida shaqo ee ka jirta suuqa.

Haddii eey da'aada u dhaxeeyso 18-64 sano waxaa laguu hayaa qorshe taabo galin ah ama haddii aad soogalooti ah oo eey dad u deganyihiin degmada isla markaana isla degmadaas ka diiwaangashanyahay waxaa laga billaabo 1 maajo 2013 laguu hayaa jiheyn xaga bulshada ah. jiheynta dhaxgalka mujtamaca waxaad ku qaadaneysaa luqadaada hooyo waxeeyna kuu fududeeyneysaa inaad la jaanqaadid noloshada bulshada iswiidhishka. waxeey ku sheegeysaa waajibaadakada iyo xuquuqdaada ee dhinacyada shaqada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Degmadu waxeey ku heysaa waxbarasho luqada iswiidhishka ah oo loogu tala galay ajaanibta, faafaahin dheeraada oo ku saabsan sida aad isku diiwaan galin kartad ka akhriso degmada boggeeda internetka.

Xarunta jiheynta iyo waxbarashada waxeey kuu heysaa caawimaad xaga waxbarashada iyo jiheynta xaga xirfadaha. Halkaan waxaad imaan kartaa haddii aad u baahantahay in laguu beddelo shahaaddooyin aad wadankaada kala timid.

Waxbarashada dadka waaweyn waxeey heysaa koorsooyin badan oo loogu tala galay dadka waaweyn.

Machadka xirfadaha waa qaab waxbarasho oo heer dugsi sare ah. Waa xirfado lasoo xulay iyadoo lala kaashano ganacsatada. Cilmi buug iyo baraaktiko ayaa leesku daraa. Waxbarashooyinka badankood waxaad ka heleysaa khibrad aad goobta shaqada aad uga shaqeyneysid. Waxbarashadaha xirfadaha waa lacag la'aan waxaadna xaq u leedahay inaad lacag kaga dalbato hey'adda kaalmada waxbarashada.

Xarunta waxbarashada ee Waqooyiga bari Skåne waxeey kuu heysaa waxbarasho dadka waaweyn loogu tala galay.

Kristianstad waxaa ku yaal machad jaamacadeed. Machad jaamacadeedka Kristianstad waxeey ku caanbaxday barnaamijyadeeda waxbarasho ee dhaqaalaha, cilmi nafsiga, cunto sameynta iyo barnaamijka barashada hagaajinta ilkaha. Waxeey kaloo kuu heysaa barnaamijyo waxbarasheed iyo koorsooyin badan.

Dugsiga shacbiga ee dadka waaweyn

Jaamacadda umadda waxeey heysaa koorsooyin badan iyo waxbarasho diyaargaroow ah. Jidka gaaban waxaa loogu tala galay haddii aad wadan kale oo aan Iswiidhan aheyn ka heysatid waxbarasho heer jaamacad ah.

Waxbarashada suuqa shaqada waxaa loogu tala galay haddii aad shaqa la'aan aheyd muddo dheer, haddii aad ka mid tahay dadka heysta damaanada ah in horumarin lagu sameeyo ama aad tahaydhalinyarada shaqa la'aanta ah oo loo damaanad qaaday ineey shaqo helayaan.

Caafimaadka

Skåne waa gobolka mas'uulka ka ah caafimaadka. Boggooda internetka waxaad isku barbardhigi kartaa goobaha caafimaad ee gobolka Skåne oo dhan. Waxaa jira macluumaad ku saabsan sida aad ula xiriiri kartid rugaga caafimaad ee degmada iyo kuwa gaarka looleeyahayba, sidaas si la mid waawye marka lala xiriirayo rugaga caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka, ragaga caafimaad ee carruurta, qeybaha emerjensiga iyo qeybaha ilkaha.

Saddex caruur ah oo taagan buur doog ah oo duulinaya diyaarad warqad ah. Hawadi oo qabatay diyaaradi warqadda ahayd.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid xafiisyadaas waxaa qofka caawinayo turjumaan haddii uu u baahan yahay.

Xiriirka gaadiidka

SI dhaqsi ah ayaad Kristianstad ku imaan kartaa markaad kasoo baxdid Blekinge ama aad tareen Denmaark kaga timaado. Waxaa bartamaha Kristianstad ku yaal isteeshin weyn oo eey isaga kala gooshaan tareenada aada Önnestad iyo Fjälkinge. Isteeshinka agtiisa waxaa ku yaal boosteejo eey basaska ka shaqeeya Kristianstad iyo degmooyinka nawaaxigooda ah ka baxaan.

Taraafikada Skåne (Skånetrafiken) ayaa mas'uul ka ah basaska iyo tarreenada Kristianstad. Jadwalka waqtiyada eey gaadiidka baxaan waxaad ka heleysaa boggooda internetka.

Shaqo iyo ganacsi

Degmadu waa shaqa bixiye weyn waxana u shaqeeysa illaa 6000 oo shaqaale. Degmada boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa shaqooyinka bannaan. Bogga internetka waxaad kaloo ka heli kartaa adeega eey degmadu siiso ganacsatada degmada waxaad kaloo ka heleysaa talooyin laguugu tala galay haddii aad rabtid inaad ganacsi ka billoowdid degmada Kristianstad.

Suuqa cuntada ee Kristianstad. Nin diyaarinaya duub ah falaafil. Saddex wiil oo taagan oo daawanaya iyadoo lacag ugu jirto gacmaha.