Skurup

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Skurups waxeey u dhaxeeysaa Ystad iyo Malmö waana degmo yar oo la jaar ah magaalooyin waaweyn. Xaafadaha Skurups iyo Rydsgård waxaa mara tareen aada Malmö/Köpenhamn/Kastrup iyo Ystad-Simrishamn. Garoonka diyaaradaha ee Malmö Airport waxuu kuu jiraa 18 km.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15869

Cabirla dhulka

511 kiilomitir oo laba jibaaran

Tabeele ay ku qorantahay Skurup. Tabeelahan waxaa ku hareersan dhir.

Deegaan

Degmada Skurups waxeey kuu heysaa guryo wanaagsan oo ka ag dhow dhul dabiici ah. Guryaha waxeey ka kooban yihiin fillooyin, guryo la kireysto. shirkada degmada Skurups waxaa la dhahaa Skurups hem.

Jid ku yaala Skurup. Jidkan waxaa ku dherersan baabuur la dhigay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu badan waa carabi iyo daari. Barida luqado waa la helaa haddii loo baahdo.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Skurups waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan. Axaa kaloo ku yaal jaaliyado isboortis iyo kuwo dhaqameed.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Skurups waxaa ku yaal xafiiska shaqada iyo dukaamo kala duwan, bangiyo, farmashiiye iyo hool dabbaal oo caan ah. Dukaamada ugu waaweyn waxaad ku tagi kartaa lug waxeeyna ku yaallaan bartamaha. Xaafadaha Rydsgård, Skivarp iyo Abbekås waxaa ku yaal dukaan. Xaafadaha kaloo dhanna waxaa ku yaal makhaayado.

Suuq ku yaala jid gudaha Skurup.

Dalyeelka carruurta

Degmada Skurups waxaa ku yaal iskoollkada xanaanada carruurta oo fara badan. Waqtiga sugitaankana wuu gaaban yahay, carruurtaadana isla markiiba boos waad u heleysaa.

Laba gaari gacan oo yaala sanduuq ciiid ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Skurups waxaa afarteeda xaafadod ee Skurup, Slimminge, Rydsgård iyo Skivarp ku yaal dugsi hosedhexe. Dugsiga sare ee Nils Holgerssongymnasiet waxuu ku yaal Skurup.

Furadaha waxbarasho

Iskoolka dadka waaweyn waxuu k u yaal Nils Holgersson vuxenutbildning.

Caafimaadka

Skurup waxaa ku yaal rug caafimaad oo guud, rugta hoyada iyo dhallaanka, rugta carruurta iyo rugta ilkaha. Xaafadaha Rydsgård iyo Skivarp waxaa ku yaal rug caafimaad oo guud. Isbitaalka kuugu dhow waxuu ku yaal Ystad ca 2,4 mayl.

Laba lamaane ah oo lugaynaya ayaa ku kulmay duurka geedo caleen leh. Hal lamaane waxay wataan ey caddaan ah.

Caawinaad turjubaan

Turjumaanno carabi, daari iyo soomaali.

Xiriirka gaadiidka

Sisteem fiican oo ah xaga tareennada iyo basaska ayaa ka jira Skurup waxeeyna ku geynayaan Malmö, Ystad, Lund iyo Trelleborg. Waxaa kaloo jira tareen toos kuu geynaya Köpenhamn iyo Svedala.Warbixin ku saabsan waqtiyada eey gaadiidyada kala duwan baxayaan iyo jadwalka safarka waxaad ka heleysaa Skånetrafiken.

Tareen buluug ah oo taageen boosteejada tareemada. Dad ayaa ka degaya tareenkan.

Shaqo iyo ganacsi

Maadaama eey jiraan gaadiyo fiican oo aada degmooyinka waaweyn waxaa meelahaas ku yaal shaqa bixiyayaal iyo goobo shaqo oo badan.