Arvidsjaur

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Dhexbartanka Lappland waxaa ku yaalo degmada Arvidsjaurs. Dhul ahaan labo jeer ka weeyn Blekinge. Arvidsjaur waa af sami, mecnaheedna waa ”wabiga gacanta furan”. Waxaan anaga lagu magacaabay Norrbotten degmada uga soo jidaasho badan, waxaana si firfircooni leh ugu shaqeeyna in aan heerka-nagaadka in aan kor ugu heeyno dhaamaan inta degan degaanka.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6236

Cabirla dhulka

6126 kiilomitir oo laba jibaaran

Gadiidka barafka oo ku dul socda dhul baraf qariyay. Waa qoraxada la arko saqda dhexe.

Halkaan waxaa ka dhaw inta badan, wax kastana socod ayaa lagu helaa, xoogaa daqiiqo ayuu jiraa dukaanka, iskuulada, rugta caafimaadka iyo xanaanada. Fursada helida howl xili firaaqo oo mecno leh, waxeey degmada uu tahay hanti muhiim oo dhinaca hormarka degmada, waxana markasto isku daynaa in aad si ficneeysiino waxa la helo oo sidaas aan uu sii sameeyno shardi uu sii fiican mustaqbalka degmada. Aad ugu soo dhawaaw inta!

Deegaan

Arvidsjaur waxaa ku yaalo filooyin, guriyaal kiro iyo guriyaal lagato oo badan. Waxaa jiro shirkado gaar ah iyo shirkado degmada lee dahay oo diyaariyo soona bandhigo guriyaal wanaagsan, waana sahlan tahay in la istaago safka guriga. Sido kale guriyaal ayaa ku yaalo dhowr mayl dibada xafadaha-isku dhaw, haddii uu qofka hami uu hayo in uu halkaas dago.

Dadka ku jiro qorsho taabo gelinta, gacanyaraha qaxootiga ayaa ka caawinaayo helida guriga, markii qabilaada tahay mid qorsheeysana guriga waxaa lagu qalabeeynaa qalabka guriga ee asaasiga ah. Qalabkaan waala heeysan karaa haddii la dagnaado degmada inta lagu tirsan yahay mudada taabo gelinta.

Buur gaaban oo leh saddex ah meeelaha barafka lagu ciyaaro. Meelaha barafka lagu ciyaaro hortooda waxaa ku yaala guri guduud iyo jaale ah. Cirku waa buluug oo baraf ayaa yaala dhulka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dhalashooyin badan ayaa ka jiro Arvidsjaur, luuqadaha laga helo degmada waa dari/af beershi, tigrinya, carabi, af mongooliya, af isbaanish, af jarmal, ingriis, taliyaani, afka thayland.

Jaaliyado iyo ururu

Kaniisada Iswiidhan waxeey ku lee dahay urur diineed, urur muslimeed waa ka maqan yahay Arvidsjaur laakin waxaan rijeeyneeynaa in aan sameeyno mid maadama dad badan ee degaanka degan muslimiin yihiin.

Kaniisada Arvidsjaur waxaa marmar imaado wadaad masiixi ortodoks ah uu dhashay eriteriya, meesha wuu ka wacdiyaa in mudo siman uu dhaxeeyso.

Kaniisada Arvidsjaurn ahna alwaax guduud iyo buni isku dhex jira lehna hareerayaal cadaan ah. Waa maalin jiilaal oo cad-ceed jirto oo baraf ayaa saaran kaniisada saqafkeeda.

Waxaa jiro ururo kala duwan, qofka hami uu leh dhaqanka waxaa jiro howl badan oo laga qeeyb qaadan karo. Degmada waxaa ku yaalo iskuul dhaqameed oo leh hees iyo ciyaar, shaleemo, maktabad, urur teyaatareed iyo urur farshaxan.

Soo booqo guriga-muwaadinka oo leh shaleemo, ciyaar, teyaatar iyo xaflad musig ah. Ciyaarta-axada ee guriga-muwaadinka waa fursad aad uu fiican oo lagu kulmo laguna barto dad cusub.

Sido kale ururka waxbarashada waxeey lee yihiin qeeybo badan ee soo bandhigaan, waana sahalan tahay in la sameeysto xalqad-waxbarasho haddii la rabo.

Waxaan sido kale lee nahay tacabbir-dabaal, meel barafeed, guriga fardaha, wadada mootada yar,meel hoos u daadeg ah oo leh waddo weecweecata oo lagu dul cararo ulaha dhaadheer ee barafka iyo jid nal leh oo loogu tala galay ciyaaraha baraafka ee dheer iyo biyo laga dabto oo aad uu fiican.

Ururo badan waxeey si firficoon leh ka shaqeeyaan hoowl caruureed iyo dhalinyaro , taasi oo ka caawineeyso in ayadoo la yahay reer meesha ku cusub in si dhaqso leh loo soo galo degmada wadajirkeeda.

Soo bandhiga Arvidsjaurs ee raaxeeysiga waxuu ka kooban yahay marka hore maqaayado iyo baarar.

Maxaa ka ag dhaw

Agagaarka waxaad ka heleeysaa oo ka tirsan maktabad, dukaamo raashin, banki, kaniisad, timo-jare, farmashiye, xafiisha shaqada, rugta-caafimaadka, daryeelka dadweeynaha-ilkaha, kaalkaaliso jimicsi ee bukaan, guri-dabaal/goob-ciyaar, boorar-barafka lagu raaco, goob-barafeed, iskuul-faras raacid, jid-iftiineed, goob-dabaal, goobta-ciyaarta caruurta, boosteejo-bas, xarumaha-bensiinka iyo wax kale.

Arvidsjaur waxaa gaar uu ah goobta-caawimaada Idéum

Waa goob xooga lagu saara in dadka lagu caawiyo hormarintooda iyo in la xoogiyo fursadahooda. Goobta-caawimaada ideum waxaa lagu qabtaa dhaqdhaqaaq kala duwan, mashruucyo iyo hoowlo. Waxa inta ku yaal oo ka mid qaabilaada-qaxootiga, isku duweeynta uu guurida, xarun waxbarasho iyo najaarad weeyn iyo garaash. Waa meel dabiici ah oo lagu kulmi oo loogu tala galay dad ka yimid meelo dhaqamo duwan iyo nidaam.

Ideium waxaa ku laga helaa isu duwaha soo guurida iyo isdhex-galka bulshada. Qofkaas waxuu soo dhaweeyaa dadka dhan oo Arvidsjaur usoo guuray, waxuuna si firfircooni leh uga shaqeeya in degaankeena dareen farxadeed ku dareemaan.

Xarunta-waxbarashada waxaa ku gali kartaa ama adeegsan kartaa qol-waxbarasho, kombiyuutar, qoraal-soo saare iyo mashiinka-koobiyeeynta.

Arvidsjaur waxaan ku lee nahay xafiis-adeeg oo loogu tala galay qasnada ceeymiska iyo hey'adda canshuuraha. Xafiiska waxuu ku yaalaa meesha laga galo rugta-caafimaadka. Maktabada waxeey ku taala guriga-adeega muwaadinka. Xafiiska shaqada waxuu ku yaala bartamaha Arvidsjaur. Xafiiska-bulshada waxuu ku dhexyaal guriga-degmada.

Ånyo waa dukaankeena ee loogu tala galay dib-uu isticmaalida. Halkaan waxaa laga heli karaa alaab guri iyo maacuun la soo isticmaalay oo qiimaheedu jabanyahay. Laanta cas waxeey goob-kulan ku lee dahay meesha lagu qiimo jaban lagu iibiyo gacan labaadka, shaheeyn lacag la'aan ah ayaa laga heli karaa.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:

Dukaan raashin ayaa ku yaala koonaha jidka. Tabeelaha waxaa ku qoran ICA Supermarket. Laba qof oo ka talaabaya jidka oo xaga hore laga arko. Waxay ku sii socdaan dukaanka raashinka.

Dalyeelka carruurta

Mudada-safka loo galo xanaanada-caruurta waa gaaban tahay, sida caadi ah caruurta dhamaan tood boos ayaa helaan mudo hal isbuuc aha ama labadoo isbuuc gudaheed.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Arvidsjaur waxa ka jirto waxbarasho ka bilaabato dugsiga-xanaanada ilaa heer jaamacadeed. Dugsiga sare waxaa ka mid ah oo laga helaa waxbarashada-daryeelka iyo waxbarashada uu toobarido maqaayadeed iyo cunti kariye jiko weeyn.

Arvidsjaur sido kale waxeey lee dahay dugsi-dhaqameed oo caruurta iyo dhalinyarada loogu soo bandhigo heeso iyo waxbarasho ciyaareed.

Dugsig Ringel iyo Dugsiga Fridhems

Dugsiga hoose-dhexe ee Arvidsjaur waxuu ka kooban yahay Dugsiga Ringel, oo leh fasal eberaad ilaa fasalka lexaad oo leh 400 oo arday. Dugsiga-Fridhems waxuu lee yahay fasalka todobaad ilaa sagaalaad.

Dugsiga Sandbacks

Tirakoobka ardayda dhigto dugsiga Sandbacks barnaamijyadiise dugsiga sare ee kala duwan, waxeey dhaafaayaan 300 oo arday, dugsigana waxaa ka shaqeeyo ku dhawaad 55 qof.

Tabeele ay ku qorantahay Ku soo dhawow iskoolka Sandbackaskolan. Xaga dambe waxaa laga arkaa iskoolka Sandbackaskolan dhismahiisa jaajuurka ee jaalaha ah. Baraf ayaa yaala dhulka.

Furadaha waxbarasho

Barashada iswiidhiska soo galooytiga waxaa lagu qabtaa dugsiga Sandbacka, sido kalena dugsiga Sandbacka ayaa qabto waxbarashada bulshada. Barashada iswiidhiska waxeey uu qeeybsan tahay labo fasal, fasalka koobaadna waa fasal bilaaw ah oo ku jiheeysaan koorska A iyo B. Fasalka kale waxaa lagu dhigaa koorska sare ee C iyo D.

Caafimaadka

Xarunta caadimaadka ee Arvidsjaur waxaa ku taalo rug caafimaadka hooyooyinka iyo caruurta, qabilaada degdega ah iyo daryeelka ilkaha ee dad weeynaha. Wareeysiga caafimaadka, kalkaaliso ayaa ku qabato xarunta caafimaadka.

Wajahada hore ee xarunta caafimaadka ee Arvidsjaur. Tabeelah wajahada hore waxaa ku qoran rugta caafimaadka iyo daryeelka ilkaha dadweynaha.

Caawinaad turjubaan

Markii aad xariir la lee dahay hey'ad dowladeed, waxaad fursad uu lee dahay in caawinaad turjumaan ka hesho khadka telefoonka.

Xiriirka gaadiidka

Xariirka-gaddika ee Arvidsjaur waa mid fiican. Goobta-dulitaanka waxaad ka heli kartaa diyaarado maalinkasto tago Stockholm. Xiliga jilaalkana Jarmaalka waa lagu tagi karaa. Xeebta tagideeda waxeey qaadataa hal saac iyo bar markii la raacno baabur ama bas. Xilliga jilaalka degemadooyin badan ayaa isticmaalo qalab-barafka lagu riixo si looga meesha la doonaayo.

Shaqo iyo ganacsi

Halkaan waxaa ku taalo warshada-tijaabinta baaburada, xafiiska shaqada adeegiisa-macmiil, Hey'adda difaaca, Rugta daryeelka dambiilayaasha, Degmada Arvidsjaur (daryeelka, dugsiyada iyo xanaanada), Qasnada ceeymiska, warshada-soo saarida macdanta iyo warshada-geedaha.