Alingsås

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Alingsås waxaa degan ku dhowaad 41 000 oo qofood. Degmada oo ku taal meel istaraatiiji ah iyo dadka oo ku soo badanaya ayaa keentay in is bedel joogta ah uu ka jiro degmada. is bedelkaas joogtada ah asigoo jiro ayey degmada wali waxeey heysataa raadkeedii hore. sanadihii lasoo dhafay waxey degmada heysatay qaab dhismiyeedkii taariikhiga ahaay ee lagu yaqaanay oo ah waddooyin dhagaxyo ka sameysan iyo dhismo alwaax ka sameysan oo ka soo jeeda qarniyadii 1700- iyo 1800-kun sideed boqol.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

41070

Cabirla dhulka

482 kiilomitir oo laba jibaaran

Alingsås är känd som "Kaféstaden" på grund av dess stora antal kaféer och bagerier. Under de senare åren har Alingsås allt mer också uppmärksammats som "Ljusstaden". Cirka 70 000 personer besöker varje oktober Lights in Alingsås, norra Europas största arrangemang för experimentell ljussättning av offentliga platser.

Deegaan

Alingsås waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh iyo shirkad guryo. Shirkadda ugu weyn waa Alingsåshem, waxaa kaloo jira shirkado gaar loo leeyahay. qofka waxuu kala dooran karaa inuu dego guryo waaweyn uu ku yaal meel magaalada ka baxsan ama inuu dego guri yar oo ku yaal bartamaha magaalada. waxaa yaal qof kasta guryo qancinaya. Alingsås waxeey ahmiyad siisay in waxyaabaha ugu muhiimsan nolol maalmeedka ineey isugu keento meelo isku dhow sida shaqada, iskoollada, xanaanada carruurta, dhulka dabiiciga ah iyo is gaarsiinta gaadiidka. Laakiin waa in lagu jiro safka shirkadaha guryaha ee Alingsås Hem qiyaastii 3 sano si fursad loogu helo in guri lagugu soo casuumo.

Markaad qaxooti ahaan ku ku timaadid degmada Alingsås waxa ku qaabilaya qof xoghaye ah oo qaabilsan qaxootiga, asigaana ku tusinaya guridaada cusub aad degi doontid. Mararka qaarkood dadka waxaan dejinnaa "guryo ku meel gaar ah" oo aan alaab oollin. Ama waxaa lagu dejinaa guryo ku meel gaar ah, oo aad ka gureysid markaad guri caadi ah laguu helo. Guryaha ku meel gaarka ah mar kasta weey firaashan yihiin.

Hadii aad iskaa u timaadid Alingsås, markaas kuuma heeyno guryo aan ku dejin karno. Laakin wax kastoo kale waan kuu heynaa sida iskoolka, xanaanada carruurta iyo wixii la mid ah.

Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa looga hadlaa luqadaha isbaanishka, sawaaxili, kongaalees, carabi, iiraani, ruush, daari, oromo, tigreega, faransiis, faransiis, ingiriis, jarmal, albeeniyaan iyo seerbiyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Alingsås waxaa ka dhisan 350 jaaliyadood oo meherado kala duwan ku howlan sida isboortiska, muusikada, howl gabka, howlaha xilli firaaqaha, kaalmada iyo taageerada iyo kuwo kaloo badan. jaaliyad waxaa la dhahaa koox leh qaanuunyo iyo hogaan. howlaha eey jaaliyada qabatana waxeey yihiin kuwo iskaa wax u qabso.

Howlaha firfircoonida ee degmada waxeey muhiim u tahay caafimaadka dadka. Waxeey wax tar u leedahay jirka iyo maskaxda. waxyaalaha eey jaalidaha qabtaan waxaa loogu tala galay da'kasta, jinsi kasta iyo dhalasho kasto aa leedahay. waxaa yaal wax kasta, laga bilaabo meesha eey ciyaalka ku dabbaashaan illaa cunto kariska.

Maxaa ka ag dhaw

Alingsås waxaa ku yaal maktabad, dukaamo, kooxo isboortis, xafiisyada dowladda iyo wax yaalo kaloo badan.

Dalyeelka carruurta

Alingsås waxaa ku yaal 30 xananada carruurta oo kuwa dowladda ah. iskoolladaas xanaanada waxaa loogu tala galay carruurta jirta 1-5 sano. Waxaa kaloo jira 10 iskoollada xananada ah oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Waxaa kaloo jira iskoollada "xanaanada caadiga ah" iyo xanaanada furan. iskoollada xanaanada caadiga ah waxaa maamula degmada waxeey siisaa caruurta 15 isbuucii, kuwa da'dooda eey u dhaxeeyso 3-5 sano. Xanaanada furan waa xarum wanaagsan oo eey ku kulmaan waalidinta heysta carruurta da'doodu tahay 0-6 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Alingsås waxaa ku yaal dugsiga weyn kaasoo leh 12 barnajimo waxbarasho, waxuu leeyahay dhismayaal leh ujeedooyin, macallimiin u qalma shaqadooda iyo meel lagu cunteeyo, meel isboortis, hool iyo meelo kale oo lagu kulmo. Miyaad jeceshahay iskool leh muusik iyo dhaans badan oo leh bandhigyo sanadka oo dhan iyo xiritaano dhal-dhalaal badan? Markaasi dugsiga sare ee Alströmergymnasiet ayaa adiga kugu haboon. Halkan waxaad ka helaysaa wax kasta laga bilaabo barnaamijka u diyaargarowga waxbarashada, dugsi sare oo isboorti ilaa barnaamij xirfad.

Iskoolkan wuxuu ku yaala meel istaratiiji ah oo waxay ardaydu iskoolkan ku tegi karaan socod, baaskiil, baska ama tareenka maxaliga ah iyadoo aan loo baahanayn safaryo dhaadheer xilliga mugdiga ee jiilaalka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Furadaha waxbarasho

Barashada bulshada

Koorsada cilmiga bulshada waa koorso bilaash ah oo wakhti dhow lagaa diiwaan-gelin doono. Koorsadan waxay ka koobantahay macluumaad ku saabsan Iswiidhan sida bulshada, daryeelka caafimaadka, sharciyada, hey'adaha dawladeed, caadooyina, waxbarasho iyo waxyaabo kaloo badan. Koorsadan waxaa lagu qabtaa Göteborg iyadoo wada-shaqayn lala leeyahay Gobolka Göteborg (GR). Adigu waxaad koorsada

Caafimaadka

Alingsås waxaa ku yaal rugag caafimaad iyo rugta daryeelka ilkaha. Waxaanu xitaa leenahay isbitaalka Alingsås Lasarett kaas oo ku yaala magaalada bartamaheeda. Wixi ah dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah waxaa badanaaba qofka loo gudbiyaa isbitaalka Borås Lasarett.

Caawinaad turjubaan

Dhamaan dadka aan aqoon luqada iswiidhishka waxay xaq u leeyihiin turjubaan xilliga ay wada-hadal la leeyihiin hey'adaha dawladeed. Gudaha Alingsås waxaa hawsha turjubaada maamusha waaxda is-dhexgalka bulshada. Halkani waxaa loogu taloglay ugu horeyn maamulada kala duwan ee gudaha degmada Alingsås iyadoo ujeedadu tahay in la isku dubarido turjubaanada. Qofku wuxuu kala dooran karaa dalbashada turjubaan meesha la fadhiya ama turjubaan dhanka telafoonka ah.

Xiriirka gaadiidka

Alingsås waxaa ku yaal jidad baaskiil oo fiican. waxa kaloo ku yaal xiriirka is gaarsiinta gaadiidka ee basaska iyo tareenka oo ku geynaya Göteborg iyo degmooyinka kaloo u dhowdhow.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada waa isla degmada Alingsås. Dhanka hawlahayaga, ugu horeyn dhinaca iskoolada iyo daryeelka dadka waayeelka ah, badanaaba waxaa loo baahanyahay shaqaalaha ku meel gaarka ah xilliyo kooban ama wakhti dheer. Halkan waxaa xitaa laga helaa warshado wax soo saar iyo shirkado ganacsi oo yar-yar.Dhanka bogga intarnatka ee degmada waxaa ku qoran warbixin dheeraad ah oo ku saabsan degmadan iyo nolosha ganacsiga.